10 Caruur Ah Oo Ku Geeriyootay Duqeyn Ka Dhacday Iskuul Ay Dhiganayeen

0

Takhaatiirta aan Xuduudda laheyn ayaa sheegtay in Duqeyn ka dhacday Iskuul ku yaal magaalada Sacda ee Waqooyiga Yeman, ay ku geeriyoodeen in ka badan 10 caruur ,Laakiin dhinaca Dawladda Yeman weli wax bayaan ah  kama ay soo saarin weerarkaa lagu laayay caruurta.

Afhayeenad ku hadashay magaca Ururka Takhaatiirta aan Xuduudda laheyn, ayaa sheegtay inay Indhaheeda ku aragtay meydadka 10 Caruur ah iyo 28 kale oo dhaawac  qaba oo horyaal Iskuulkii ay dhiganayeen.

Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa lagu soo bandhigay meydadka caruurtaasi iyo kuwa dhaawac gaaray,waxaana falkan lagu tilmaamay jariimad aad u fool xun oo lagu maatada.

Warbxin ay soo saartay Qaragamada Midobay ayaa lagu sheegay in tan iyo markii uu bilawday dagaalka Yeman ay ku dhinteen 6400 qof oo u badanaa dad rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here