10-Su’aal Oo Mudan In Aad Iswayddiiso Ka hor Inta Aadan U Guulwadayn Madaxwayne Farmaajo!! (Cabdiwahaab Axmed Cali)

0
Ma ahi mucaarrad mutaxan oo marada tuurtay iyo qof mabda’iyan kasoo horjeeda madaxwaynaha jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo dawladdiisii la yagleelay 8-dii February sannadkan.
 
Sidoo kale ma ahi muxaafad sawirrada Kheyrre Iyo Farmaajo baraha bulshada la wareega, keliya waxa aan isku dayayaa in aan wax ka iraahdo arrin muhiim u ah labada qolo ee mucaarradka ah iyo kuwa Muxaafadka ah.
 
Waxaa dhacda in la arko qof mucaarrad ah, haddana aan ogayn sababta uu u mucaaraday dawladda cusub, si lamid ah waxaa jira muxaafadiin badan oo iyagana indho la’aan ku taageeray Farmaajo iyo xertiisa.
Haddaba waxa aan isku dayaynaa in aan soo koobno dhawr su’aal oo mudan in la iswayddiiyo kahor inta aan Farmaajo u guulwadayn ama aannan mucaaradin, dhammaan su’aalahaas haddii aad jawaab u hesho, waxa ay micnaheedu tahay in mucaarradnimadaada ama muxaafadnimadaada ay sabab leedahay.
 
Su’aalaha muhiimka ah ee mudan in la iswayddiiyo ka hor inta aan la mucaarradin ama la taageerin Farmaajo, waxaa kamid ah:-
1. WAA KUMA FARMAAJO?
 
Laba Dabshid kaddib xurriyaddii Soomaaliya oo ku beegneyd 1962-kii ayuu ku dhashay Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, isla Muqdisho ayuu kusoo barbaaray, oo uu waxbarashada hoose iyo dhexe ilaa Sare ku dhammeystay.
 
Buffalo University ayuu shahaaddada heerka koobaad iyo tan labaad-ba kasameeyay, Mareykan ka ayuu noloshiisa qurbaha ku qaatay, kahor inta uusan ra’iisul wasaarrenimo kasoo doonan madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed sannadkii 2010, wuxuuna xilkaas hayay intii u dhaxeysay 1 November 2010 – 19 June 2011.
 
Wixii xigayna wuxuu ahaa siyaasi galaangal siyaasadeed kuleh siyaasadda ilaa uu February 2017 ka noqdo madaxwaynaha Qaranka Soomaaliya.
 
2. MUDAN YAHAY IN UU XILLIGAN MADAXWAYNE NOQDO?
 
Dad badan baa aaminsanaa in Farmaajo xilligan uusan mudnayn in uu madaxwayne noqdo, iyagoo u aanneynaya in uusan heysan xisbi dhammeystiran oo uu ku maamuli karo dalka, hasa ahaatee, waxaa jira barbarka jamaahiir aaminsan in Farmaajo uu wakhtigii ugu mudnaa uu xilka qabtay, si ay ahaataba haddii aad su’aashan jawaab u hesho dhankasta ahaaw waxa aad tahay qof aan sabab la’aan wax mucaaradin waxna taageerin.
 
3. MA HEYSTAA KOOX LA SHAQEYSA OO GUUL U HORSEEDI KARTA?
 
Haa. Waa muhiim in jawaab loo helo su’aashan, wuxuu heystaa Farmaajo koox wanaagsan oo dhallinyaro ah, balse ciladda ugu wayn ee heysata waa in aysan ahayn dhallinyaro dawli ah oo sirta qaranka waxbadan qarin kara, sidoo kalena qalbi wanaaggooda wuxuu keenaa in mar walba sirta qaranka ay u dusiyaan saaxiibbadooda, kaddibna lagu arko baraha bulshada.
 
4. MUXUU KAGA DUWAN YAHAY MADAXDII HORE?
 
Dhab ahaantii waxaa jira meelo badan oo uu kaga duwan yahay madaxda kale, sida in uu heysto 80+% dadka Soomaalida, sidoo kale waxaa ka muuqda daacadnimo ka badan madaxdii hore ee Qaranka.
 
5. MA LEEYAHAY SIYAASAD QAYXAN OO UU DALKA KU HAGO?
 
“Ma aqaan siyaasad aan ahayn NAbad iyo Nolol, oo uu caan ku yahay Farmaajo, sidoo kale uma maleeyo in uu leeyahay siyaasad qayxan, oo ka duwan madaxdii hore, hasa ahaatee mar walba niyad samida ayaa ah wax uu kaga wanaagsan yahay madaxdii hore” ayuu yiri mid kamid ah mucaarradka asluubeysan ee dawladda cusub.
 
Dhanka kale Farmaajistayaasha ayaa qaba aragti middaas ka duwan oo ah in FArmaajo uu leeyahay siyaasad qayxan oo madaxdii hore kaduwan.
 
6. MA LEEYAHAY IIN KEENI KARTA IN HOGGAANKIISU GUULDAREYSTO?
 
Iintu (Side Effect) waa cilad aad dadka kale kaga duwan tahay, haddaba su’aasha iswayddiinta mudan ayaa ah “Farmaajo ma leeyahay Iin Ama Cillad” Haa. Dabcan majiro qof aan iin lahayn, inkastoo laga kala duwan yahay iinta Farmaajo laga sheegayo, haddana waxa aan kusoo koobi karaa in uusan heysan lataliyayaal wanaagsan oo ku hoggaamin kara meel wanaagsan.
 
7. SIDEE BUU ULA FALGELI KARAA BULSHADA KALA MAANKA AH EE KOONFURTA KU DHAQAN?
 
Farmaajo wuxuu u baahan yahay in uu si wanaagsan ula falgalo reeraha daga Koonfurta Soomaaliya kuwaas oo midkasta iskiisu u taagan yahay.
 
HAddii uu si wanaagsan ula falgalo siyaasadda Koonfurta waxa uu ka badbaadi karaa sharta iyo kala qaybsanida siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya.
 
8. MUCAARAD INTEE LA EG BUU LEEYAHAY?
 
Mucaarradka ugu wayn ee uu leeyahay Farmaajo tiro boqoley ahaan haddii aan ku xisaabino waa 17%-kiiba dadka Social Media-ha isticmaala, sida xog aan dhammeystirnayn ay sheegeyso.
 
Haddaba waxaa sara umaraya taageerayaashii Farmaajo ee dib ula soo noqonaya taageeradoodii ay la indho la’aadeen, waxaana ugu wayn Fanaanka caanka ah ee Ilkacase oo xurguf ay dhex martay isaga iyo xoghaynta madaxwaynaha, taas oo keentay in uu mucaarad noqdo, halkaas Farmaajo wuxuu ku waayay taageerayaasha dhabta u taageera Ilkacase oo fanaanka la saftay, tiro ahaan intaas waa ay kabadan kartaa, haddii tiro koob sax ah loo raadiyo.
 
9. MAXAY KU MUCAARADEEN, QOLYAHA KASOO HORJEEDA?
 
Qaar kamid ah mucaarradka Farmaajo waa kuwa siyaasad ay isku heystaan, kuwa waa qabiil waxa ugu wayn ee ay u mucaaradeen, halka kuwa kalena dano shakhsi ah ay kaga hor imaadeen madaxwayne Farmaajo.
 
Dhammaan marka la isku soo daro Farmaajo wuxuu awooday in uu heysto labo kamid ah saddexda shakhsi ee saddexda qaab ee kore ku mucaaraday dawladda in uu soo ceshto, keliya kuwa siyaasadda ku mucaaraday ma aqaan sabab ay dib usoo noqdaan iyagoo siyaasiyiin kale u sacab tumayaan.
 
10. MADAXTOOYADA MAXAA U XIGA?
 
Su’aashan waa mid aad u mudan in aan mar walba iswayddiino, maadaama aan inta badan aragnay in madaxwayne kasta uu isa soo sharxo marka la gaaro doorashada xigta.
 
HAddaba Farmaajo ma wuxuu la imaan doonaa siyaasad lamid ah tii Xasan Sheekh Maxamuud oo ahayd in uu qabyo dalka kaga tagay islamarkaana isa soo sharxay wakhtigii xigay si uu hammigiisa siyaasadeed ugu hormariyo.
 
HAddii uu Farmaajo xilligan dhammeysto ma wuxuu u baahnaan doonaa wakhti kale oo uu hawsha kusii wado, haddii jawaabtu ay Maya tahay, haddaba maxaa u xiga madaxtooyada? Waa jawaab aan adi kuu daayay. 
 
Waxa Qoray Cabdiwahaab Axmed Cali {#ElFarabi}