0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kormeer ku tagay degaannada Sabiid iyo Caanoole oo dhawaan Ciidanka Danab ay kala wareegeen Ururka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu sii socon doono, islamarkaana dhawaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii gaari doonaan degaano hor leh oo ku yaalla meelaha ay ku sugan yihiin.

Farmaajo ayaa Bogaadiyay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka danab, waxaana uu ka dalbaday in ay sii waddaan howlgallo ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab ayaa howlgallo xooggan ka wadda gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo lagula dagaallmaayo Al-Shabaab.