15 KA MAY MAXAA LAGU XASUUSTAA?

0

Maalmuhu in kastoo maalmo ay wada yihiin hadana midba mudnaan gaar ah bey leedahay iyo Astaan loo Asteeyo waxa ay xambaarsan tahay hadii ay tahay farxad,Murugo iyo Mahadhooyin kale ay magac ku yeelato.

Dalkeena Somaaliya waxaa jira Maalmo xusuusta Ummaddeena ku weyn sida Maalmaha madax banaanida iyo Maalmaha kale ee baalka Madow kaga qoran Taariikhda Ummadda Somaaliyeed,waxaase marne la dhayalsan Karin doorkii dhalinyaradii Somaaliyeed ay ka soo ciyaareen halgankii iyo madax banaanidii Siyaasadeed ee dalkaan soo maray in ka badan Nus qarni ka hor .

15ka May Waa Astaan Qaranimo,Waa Astaan Gobanimo,Waa Astaan Bilow u aheyd halgankii dhalinyarada Somaaliyeed SYL.

Ka hor inta uusan Ururkaasi Siyaasada u xuub siiban wuxuu ahaa magaciisa SYC oo loo soo gaabiyo Naadiga dhalinyarada Somaliyeed (Somali youth Club)kaasoo ujeedkiisu ahaa isku keenida dhalinyarada Somaaliyeed iyo sidii wax loo bari lahaa loona gaarsiin lahaa il baxnimada heerkii ay mareysay xiligaas oo aheyd xili aad u adag qof walbana uusan ka qeyb qaadan karin iyadoo sababtuna ay aheyd Gumeysigii Talyaaniga oo xiligaas joogay Koonfurta Somaaliya oo diidanaa in dhalinyaradu Aqoontoodu dhisanto il baxnimana ay gaaraan si ay uga hor yimaadaan nidaamkiisa Gumeysi iyo Siyaasadihiisa guracnaa taasi oo hadafkii uu ka lahaa aheyd in aan la helin cudud dhalinyaro oo mideysan oo dareenta xumaha ay leedahay heeryada Gumeysiga.

In kastoo dhalinyarada Somaaliyeed xiligaasi kuwooda ku sugan magalooyinka waaweyn tiradooda ay aad u yareyd islamarkaana Aqoontoodu ay aheyd mid aan dhaafsiisneyn ilaa Dugsi Hoose hadana waxay awoodeen Aqoon aad u sareysa iyo ilbaxnimo heerkeedu sareeyo kuwaasoo Gumeysigii ka dhaadhiciyay in Ururkii SYC Sababta loo dhisay ay tahay oo kaliya sidii Naadigaasi ay dhalinyarada ugu kulmi laheyd iyadoo wax Siyaasad ah lug ku laheyn hase yeeshee fikradu intaas waay ka durugsaneyd.

Bishii May 15 keedii 1943 kii ayaa aheyd markii ugu horeysay oo 13 dhalinyaro Somaali ah ay shaaca ka qaadeen in Ururkoodu u xuub siibtay Siyaasad lana magac baxay Ururka dhalinyarada Somaaliyeed ee SYL isagoona iska bedelay magaciisii hore ee ahaa SYC.

Mabaadii’da Ururka lagu dhisay ayaa waxaa Saldhig u ahaa qodobada ay ka midka yihiin raadinta Midnimada Ummadda Somaaliyeed xurnimo gaarsiin ,Gumeysi diid iyo ka fagansho laga fogaado nooc kastoo ay tahay Qabyaalada oo ay u arkayeen in ay tahay tan kaliya ee halgankooda curyaamin karta.

Ururkii SYL Wuxuu ku guuleestay durbaba isu soo dumidda quluubta Wadaniyiinta Somaaliyeed isagoona ku kasbaday Eryadan halku dhigedu yahay(Somaliyey toosoo) Halheyskaas oo noqday mid gaaray Somaali meel kastoo ay joogto Saqiir iyo kabiir .

 In kastoo halgankaas uu socday dhalinyarada Somaaliyeedna hormuudka ka aheyd iyadoo hadafkooda uu yahay ama Geeri ama Gobanimo ayaa hadana waxaa jiray dhinaca kale halgan kale oo looga soo horjeeday kacdoonka dhalinyarada Somaaliyeed kaasoo ay wadeen dhaq dhaqaaqii la oran jiray(BARO ITAL YAANO) Oo micnahedu yahay taageerayaashii Talaaniga kuwasoo diidanaa wixii ay doonayeen halgamayashii SYL ee ahaa Gobanimo.

Halganku ma aheyn oo kaliya mid Siyaasad ama af kaliya lagu raadiyo wuxuusa ahaa mid Af iyo Adinba leysku daray oo taageerayashii qiireysnaa ee SYL ay dagaal fool ka fool ah kala hor tageen Gumeysigii Talyaaniga waxaana dagaaladaasi laga xusi karaa Dagaalkii ha noolaato,Dagaalkii Dhagax tuur iyo dagaalo kale oo aad u fara badan kuwasoo dhiig fara badan uu ku daatay .

Waxaa kaloo xusid mudan Sanadkii 1950 kii Markii Wafdigii ka socday Qaramada Midoobay ay soo gaareen magalada Muqisho si ay u hubiyaan SYL waxa ay dooneyso waxaana Maalintaas magalada Muqdisho isugu soo baxay Kumanaan kun oo qof oo Jidbeysan kuwaasoo ku qeylinayay Gumeysi maya Gobanimo haa,inkastoo ay jireen tiro aad u yar oo iyaguna dhinacooda kasoo banaan baxay kuwaasoo iyagana ku qeylinayay Gobanimo maya Gumeysi haa arintaasoo keentay Kooxdii tirada yareyd oo Gumysi doonka aheyd ay kooxdii kale ee Gobanimo doonka aheyd sida daadka ay u hafiyaan ilaa Wafdigii Qaraamda Midoobay ka socday dhegahooda ay buux dhaafiyaan Xamaasadda Xurnimo doonka Somaaliyeed.

Ururkii dhalinyarada Somaaliyeed ee SYL waxay ku guuleesteen in 10 Sano kadib xornimadii ay dhaliyaan halkaasna ay ka dhalatay Jamhuuriyadii Somaaliyeed ka agdaal Midowgoo Waqooyiga iyo koonfurta Somaaliya. Shan iyo tobanka May ee manta 2016 waxaan joognaa xiilli dhallinyaradii Soomaaliuyeed ay aad u bateen aqoontoodii dhisan tay nasiib darrose halkii aqoontooda iyo xirfadooda ay uga faa’ideyn lahaayeen dalkooda ay u hanqal taagayaan Tahriib iyo Arlo qurbo kuwaasoo ka door bidaya Dalkooda Dal shisheeye.

 Isku soo duuboo shan iyo tobanka May waa Maalin ku weyn xusuusta Ummadda Soomaaliyeed, waa Maalintii Dhallinyarada Soomaaliyeed ay isu taageen Xoreynta Dalkooda Hooyo, waa maalin Dhiig fara badan loo daadshay Xuriyadan, waa Maalintii Geesiyaal dhallinyara ah Xabsiyada ay u galeen mabaadidii ay aaminsanaayeen waa Maalin Xusuusta Shacabku aanay ka dhamanayn Micnaha Gobanimo iyo Waddaniyadda waxa ay tahay.

W/D, Ustaad Aadan Macalim Aadaamo

E-Mail.aadaamo2@hotmail.co.uk

Tel. 0615511863. Mogadisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here