21 OGTOOBAR  DABAAL DAG MISE BAROOR DIIQ: W/Q: Shafici Roraye

0

21 ka Ogtoobar 1969 kii waa maalintii ay dalka la wareegeen koox askar ah oo qaab qabiil u abaabulnaa ugu dambayna iyagii is gumaaday oo midba mid toogtay,

waa maalmo yar ka dib maalintii dil togasho ah lagu dilay madaxwaynihii Rayidka ahaa ee sida sharciga ah lagu soo doortay mudane Cabdirashid Cali Sharma’arke, waa maalintii xabsiga loo taxaabay dhamaan xildhibaanadii wasiiradii iyo shaqaalihii dawlada oo ku soo baxay doorashadii cod iyo qofka ahayd,

Waa isla maalintii ceelka aadka u dheer lagu shalwiyay cadaaladii, dimuquraadiyadii, sinaantii, damiirkii iyo dadnimadii Umada Soomaaliyeed, waa markii la dulaystay qofka Soomaaliga ah dulaysi midkiisii ugu xumaa, lana gaarsiiyay in qof kasta uu ku tasbiixsado magaca Siyaad bare “Guulwadow Siyaad Aabihii garashada Gayiga yagow”

Taariikhda qofka Soomaaliga ah lama dulaysan 21 kii Ogtoobar ka hor, waxaa xiligaas lagu dulaystay Muruqoodii iyo maalkeedii oo isla iyagii lagu gumaaday,

dad dulmi dilooday in aan nahay durba dambiilayaashii dilay madaxwaynihii dalka ayaan durbaan u tunay, dawladna ka dhiganay,

dadaal way muujiyeen 5tii sano ee u horeeyay, intii ay talo wadaaga ahaayeen shantii Golaha sare wax badan way qabteen, waxa ugu wayn ee aan kala harnayna waa Afsoomaaligaan aad hada akhrinayso,

Nasiib xumo shantii nin ee dalka xooga ku qabsatay iyagii ayaa isku soo jeestay oo dhagta dhiiga isu daray, Ilaa labo ka soo hartay,

6 sano ka dib 1977 xaqii ayaa feer ka dilaacay, waxay kooxdii gacan ku dhiiglayaashu sameeyeen Qaladkii ugu waynaa ee dal afrikaan ahi sameeyo oo ay ku burburiyeen dhamaan wixii ay iyagu tabceen, ee ciidan, qalab ciidan, xariir caalam, sumcad dalnimo, hanti iyo dhaqaale umadeed, damiirkii bulsho iyo wiilashii XDS, waa dhacdada aad ku faantaan ee 77 loo yaqaano, waa dagaalkii aan itoobiya la galnay,

intaa ka dib kooxdii waxay ina galisay tiih iyo iska daba wareeg aad u fool xun dadkeeniina qax iyo bara kac ayuu durba bilaabay, intaas nooguma simine kooxdii waxay xasuuq ku bilawday shacabkii dalka ku soo haray waxay dhawr sano oo go’doomin Gumaad, dhac, kufsi, iyo xasuuq ah ku haysay, gobolada mudug, Nugaal iyo bari, oo loo gumaadayay hayb qabiil oo badhax tiran, iyagoo adeegsanaya maalkii, aan u dhiibanay, iyo muruqii wiilasheena,

markii ay ka soo jeedsatayna waxay duqayn aan loo aabe yeelin ku bilawday gobolada waqooyi, diyaarada Barbara ka duushay ayaa hargaysa duqaysay, mid bali doogle laga kiciyay ayaa burco dhulka la sintay, diyaarad ka duusha hargaysa ayaa isla hargaysa garaacday, dad rayid ah oo ilmihii iyo naftii kala baxsaday diryanka iyo duqaymaha diyaaradaha ayaa amar lagu bixiyay in gantaalada cadawga looga difaaci lahaa lagu garaaco isla iyagii,
qabiiladii Soomaalida ayay si foolxun isugu soofeeyeen, ilaa qaar ay Soomaalinimadiiba ka xanaaaqaan,

Ayax tag eelna reeb askartii uu ciil iyo cuqdada baday oo bahalo noqday ayaa alle ku kiciyay taliskii xaaraamta ahaa,

labo sano ka dib kuwa aad uga liita kacaankii kadeedka oo xabsiyo iyo dagaalo qabiil siday ugu jireen ku soo bahaloobay oo si qabiil ah u abaabulan ayaa dalkii la wareegay, waa ragii ay ciidannimada u tabo bartay oo ay hadana cayrisay qaarna xabsiyo ku gurtay,

hogaamiyaha wanaagsan astaanta koowaad ee lagu gartaa waa in uu ka tagaa hogaamiyayaal isaga ka fiican, kan xunna waxaa lagu yaqaanaa in uu bahalo waxuush ah ka dhigo dadka isaga ka dambeeya, dib u eeg 1991 tuugadii dalka burburisay dhamaantood waxay ahaayeen kaadiriin uu kacaankii lugooyo soo tabo baray,

Gunaanud
waxay ina badeen waxay ina bareen ayaa kun jeer ka daran, daanooyinkii ay qaranimadeena u gaysteen wali sidoodii ayay inoogu dhigan yihiin,

Waxay geed dheer inaga saareen fahamkii dawladnimada, xad aan gaarnay in dawladnimada aan ka xajiimoono, hantida qarankana aan u aragno in kacaankii balaayo uu lahaa, waa inagii burburinay dhamaan hantidii guud ee qaranimadeena inagoo ku xumaynayna kacaankii inkaarnaa,

Wuxuu ceel dheer ku riday is aaminaadii bulsho taas oo keentay in 27 sano aan ku hashiin waynay nabad in aan ku wada noolaano inagoo isla qirsan in aan u wada baahanahay, kala shaki beelaha ay kala qabaan awgeed,

inta raadadka kacaankii kadeedku inaga tirtirmayo tuugadii uu bahalnimada u taba barayna ay madax iyo mustaqbal inoo yihiin dalkeenu tiih iyo jahwareer in uu ka baxo way adagtay,

Marka la isku geeyo kacaankii Ogtoobar waxaan ka dhaxalnay 27 sano oo colaad sokeeye ah, Gooni isu taaga Soomaalilaan, qaadashada Nidaamka fadaraalka ah, iyo samaysanka maamul goboleedyada, is aaminaad daro baahsan oo ina kala dhex gashay, hiil iyo hoo in aan ka waynay dunidii balaadhnayd oo dhan, faragalin shisheeye midii abid ugu xumayd,
Dadkii oo lumiyay hankii iyo qabkii Soomaalinimada,
Qofka Soomaaliga ah oo noqday qof aan naftiisa kalsooni ku qabin,
Hogaan xumo heerkeedii dhaaftay,
Dhiiga oo xalaal inoo noqday, wadaado tuugo ah oo dhuuntooda u fadwooda, musuqmaasuqa oo xalaal noqda, iyo Nidaamkii dawladnimada oo inooga darsamay qabyaaladii,

Kacaankii 21 ka Ogtoobar waxyaabo badan ayuu qabtay lakiin inta badan wixii uu dhisay isaga ayaa dib u burburiyay, hadii aad damacdo in aad wax ka qorto wixii uu dhisay waxaad ogaanaysaa in aysan hal shay ka noolayn wax qabadkoodii, sababta ay u burbureena iyagu lahaayeen,

Maankayga ayaa diidaya in aan arko qof igu leh waxaan u dabaal dagayaa maalintii madoobayd, 21 ka ogtoobar, maalintaan waa maalin baroor diiq ah maalin mudan in laga qoomameeyo dhibaatada ay ina dhaxal siisay,

Qormadaani waa aragtida qoraaga oo qudha, Maaha tan Xogdoonnenws

W.Q: Shafici Roraye
Email: sha.roraye7@gmail.con