650-Shaqaale oo dacaayad & Xayeysiis u sameynaya Xukuumadda Soomaliya!

0

Xukuumadda Soomaaliya  iyo hay’ado raacsan laanta fulinta ayaa la soo baxay hab cusub oo ay u la dhaqmayaan warbaahinta, waxa ay xoogga saarayaan Warbaahinta bulshada sida Facebook, iyo xarumaha warbaahinta sida Raadiyahaiyo Telefeshinka.

Shaqaale gaaraya 650; qof ayay xukuumadda iyo laamaha maamul ee raacsan sida gobolka Banaadir u shaaleeyeen baraha bulshada, shaqaalahaasi waxa ay kala joogaan dibadda iyo gudaha dalka.

Tusaale ahaan, xafiiska Raisalwasaaraha ayaa waxa uu shaqaaleystay sida ay muujisay warbixin kooban oo aan helnay 200; oo qof oo shaqaale ah, kuwaas oo aan soo xaadiri doonin xafiiska raisalwasaaraha balse iyaga oo jooga goobahooda shaqada ama guryahooda qabanaya shaqada difaaca xukuumadda iyo weerarka dadka ku baahiyaha baraha bulshada qoraalada dhalliilaha wata eek u saabsan dhaqanka iyo falka xukuumadda ee arrimaha siyaasadda iyo maamulka.

Sidaas oo kale xogta aan helnay waxa ay sheegeysaa in madaxtooyadu ayaa qoratay 300; oo qof oo kala jooga dibadda iyo gudaha Soomaaliya, kuwa jooga gudaha dalku waxa ay u badan yihiin gobolka Banaadir.

Gobolka Banaadir ayaa kamid ah hay’adaha sameystay Shaqaalaha Warbaahita ee dowladda, waxa ay muujineysaa xogta aan helnay in 150; oo qof uu gobolka u qaatay shaqaale ahaan si ay uga shaqeeyaan difaaca iyo dacaayad u sameynta madaxda iyo howsha gobolka.

Nuuca Shaqaalahan.

Dhammaan shaqaalahani waxa ay isugu jiraan dhalliyaro iyo dadwaaweyn, waana dadka sida aadka ah u adeegsada warbaahinta Bulshada (Social media), sida Facebook &Twitter, islamarkaana saaxiibo badan ku leh ama ay ugu jiraan Face book.

Qoridda iyo xulashada shaqaalahan waxa qayb iyo gacan weyn ku leh u qaybsanayaasha warbaahinta ee hay’adaha qaatay shaqaalaha, waxa ay isku dayeen in ay shaqaaleeyaan inta badan dadkii ololaha madaxweyne ee doorashada uga qaybqaatay Warbaahinta iyo Baraha Bulshada.

Shaqada ay qabanayaan

Shaqadoodu ma aha mid qeexan, balse waxa loo sheegay in ay warbaahinta iyo Baraha Bulshada ka difaacaan dhammaan ficilada iyo go’aanada dowladda nuucii ay doonaanba ha ahaadeene, balse marka si kooban loo sheego waxa kamid ah

In ay weerar ku qaadan dadka dowladda dhalliila iyaga oo adeegsanaya baraha bulshada sida facebook iyo Twitter

In ay u jawaabaan xarumaha warbaahinta ee daabaca ama baahiya xog lagu dhalliilayo ama laguu sheegayo gef ay dowladdu gashay ama ka dhacay

In ay ammaanaan dowladda si walba oo ay tahay

In ay Buunbuuniyaan booqshooyinka madaxda ee meelaha dadweynuhu ku kulmaan.

In ay baahiyaan saiwirro iyo qoraallo ay u soo dirayaan waaxyaha warfaafinta ee xafiisyada dowladda ee sameystay shaqaalahan

Mushaarka

Shaqaalaha jooga gudaha oo aynaan helin tiradooda dhabta ah waxa ay mushaar ahaan u qaadanayaan bil walba $300.00, halka kuwa dibadda jooga uu mushaarkoodu u dhexeeyo $1000-1500.00, oo dollar.

Shaqaalaha qaarkood ayaa ka baxaya ama kaba tegaya shaqadii loo diray ee ahayd in ay ka shaqeeyaan Facebook si ay u difaacaan xarumahan, sababtu waa in lacagtii mushaarka loogu sheegay ayaan u soo gaarin sidii loola heshiiyey, iyada oo qaarkood loo sheegay in lacagta laga yareynayo maaddaama ay shaqadan qaban karaan iyaga oo aan soo xaadirin xafiis ama jooga guryahooda iyo goobahooda shaqada

Xarumaha Raadiyaha iyo telefeshinka

Suxufiyiinta ka shaqeeya xarumaha Raadiyaha iyo telefeshinka ee magaalada Muqdisho ayay xafiisyada  Madaxtooyadaa, Raisalwasaaraha iyo gobolka Banaadir; waxa ay si qarsoodi ah uga qorteen shaqaale kamid noqonaya kuwa ay rabaan in ay dacaayad iyo buunbuunin run iyo beenba u sameeyaan, islamarkaana weeraraan dhammaan dadka dhalliilaya ama soo jeedinaya aragti ka dhan ah go’aanada xarumahaas.

Xarumaha Raadiyaha qaarkood ayaa aqbalay shakaalidda iyo ku lugyeelashada xafiisyadan ee waxyaabaha ay baahinayaan (Media Censorship) iyaga oo taas beddelkeeda qaadanaya dhaqaale aanaan helin inta uu la eg yahay, taas oo ka dhigan in aanay baahineyn wax dhalliil ah oo ka dhan ah go’aan ama dhaqan ka yimid dhinaca xafiisyadaas islamarkaana aanay u ogaaleyn dhegeystayaashooda iyo dadka kalaba in ay dhalliilaan xafiisyadaas.

Waa maxay sababtu?

Howlwadeenka Madaxtooyada, Xafiiska Raisalwasaaraha iyo gobolka Banaadir; ayaa cabsi weyn ka qaba in warbaahinta noocyadeeda kala duwan oo kaalin weyn ka qaadatay ololihii iyo dhismihii xukuumadda, ay haddana ku lugyeelato mucaaradka iyo dhalliisha go’aanada xukuumadda, taas oo lagayaabo in ay hoos u dhigto kalsoonida ay shacabku ku qabaan xukuumadda iyo Madaxtooyada.

Ficilada ay illaa hadda ku kacday xukuumadda Soomaaliya oo shaqeyneysa  6; bilood ee falcelinta ka dhalatay ay sababtay hoos u dhaca kalsoonida dadweynaha ee xukuumadda waxaa kamid ah

Weeraradii ay ku dhinteen 17; qof oo ka dhacay Juubada Hoose iyo Shabeelaha hoose; kuwaas oo xukuumaddu kuu sheegtay in lagu dilay xubno kamid ah Al-shabaab; balse dhammaantood ay noqdeen shacab beeraley iyo xoolo dhaqato, inkasta oo  markii dambe ay xukuumaddu garowsatay.

Go’aankii U dhiibidda dowladda Itoobiya muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse; oo ka tirsanaa Jabhadda xoreynta gobolka Ogaadeeniya, kaas oo illaa hadda aanay xukuumadda Soomaaliya uga hadlin si rasmi ah.

XIGASHO MUSTAQBAL RADIO