ISTICMAALKA GAASKA & SAAMEYNTA NABAAD GUURKA DEEGAANKA.

0

Dhirtu waxa ay kaalin weyn kaga jirtaa nolosha, noolaha dunidan guudkeeda ku dhaqan dhirtu waxa ay laga maarmaan u tahay dhammaan ficilada ka soco deegaanka dhirtu waxay ay muhiimadan la soo koobi karin u leedahay deegaanka. Deegaan aan dhir laheyn suura gal mahan in ay noolayaasha ku noolaadaan. Dhirta oo laga waayo deegaanka ama ka nabaad guurta dhulka waxa ay dadka dhaxal siin kartaa qatar bulsho oo aan ka soo kabasho laheyn.

Dalkeena Soomaaliya waxa uu ka mid noqday muddooyinkii ugu dambeysay dalalka sida aad ka ah looga dabar gooyo dhirta, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaanka. Sanad kastaTobankii geed ee Soomaaliya ku yaala Sagaal ka mid ah ayaa la jaraa iyadoo laga dhigayo Dhuxul La shitom, kuwo kalena lama beero.. Dhirta Soomaaliya laga gooyo ee dhuxusha laga sameeyo waxaa loo iib geeyaa Gudaha iyo Dibada, walow ay Soomaaliya ka tahay dhoofinta dhuxusha dambi, haddana waxaa si Suuq Madow ah loogu iib geeyaa dalalka Carabta oo ay ugu horeeyaan DowladaKhaliijka.

Dhanka kale dhuxusha gudaha loo suuq geeyo ayaa wajaheysa tartan xoogan oo kaga imaanayo Ganacsato Soomaaliyeed oo iyagu bilaabay soo dajinta Tamarta(Gaas) Wax lagu karsado, oo Shirkado badan dalka laga hir galiyay 6 sano ee ugu danbaysay.
Waxaa kor u sii kacaya Isticmaalka Tamarta (Gaas) wax lagu karsado, magaalooyinka waaweyn ee gudaha dalka waxaana hoosu dhac laga dareeemayaa isticmaalkii fara badnaa ee Dhuxusha wax lagu korsado oo Geedaha loo goyn jiray, Qiimaha Kiishka (Loorka) Dhuxusha ayaa Suuqyada magaalooyinka waaweyn lagu kala iibsadaa 11$-13$, waxaana jira Qiimo Koror loo sababeyn karo dalab yarida ku timid Dhuxusha wax lagu karsado..
Halka HaantaTamarta (Gaaska) wax lagu karsado laga dareemayo sare u kacaan oo ay sabab u tahay sida uay u sii badneyn, qiimaha noocyada kale duwan ee Tamarta ayaa lagu kale iibsadaa (Haanta Weyn 34$), (Haanta Dhexe 22$) (Haanta Yar 13$). Qiimahan ayaa noqonaya mid marba marka ka sii dambeysa hoos u soo dhacaya, waxaanajira Tartan xoog leh oo ka dhaxeeya Shirkaddaha Tamarta Gaaska wax lagu karsado ka ganacsada oo soo badanaya.
Waxaa la aaminsan yahay in isticmaalka Tamarta Keydsan ee (Gaas) wax weyn ay ka tari doonto dabar go’a loo geysto Deegaan Dhireedka Soomaaliya, taasi oo yareyn doonto Roob la’aanta iyo Aabaraha is daba jooga ah ee dalkeenna ka dhacayay muddooyinkan ugu danbeeyay taasi oo oo loo sababaynayo isticmaalka Dhuxsha la shito oo hoos u dhac ku imaanayo iyadoo isticmaalka tamarta Gaaska wax lagu karsao ee (Porto Gaska ) soo badanaysoi taasi oo dan weyn ugu jirto deegaanka baylahsan ee Soomaaliya haddii Alle idmo .
Maxamed C/laahi Axmed Rooble Email: wariyerooble2017@gmail.com