Qarax lagu dilay Taliyihii iyo Abaanduulihii qeybta 12’ka April oo ka dhacay Sh.Hoose

0

Wararka  ay Xogdoonnews  ka heleyso deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo ay wateyn ciidamada xooga gaar ahaan qeybta 12’ka April uu qabsaday qarax kol sii horeysay wadada hareeraheeda lagu aasay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen Taliyihii qeybta 12’ka April Janaraal Cumar Dheere  iyo abaanduulihi isla qeybtaasi Cabdi Cali Jamaame.

Qaraxaani ayaa qabsaday gaariga ay wateyn Taliyaha iyo Abaanduulaha qeybta 12’ka April ee ciidamada xooga waxaana sidoao kale ku geeriyooday ilaaladaooda ee gaarigaasi saarnaa oo gaaraya ilaa Todobo.

qaraxyada wadooyinka hareerahooda lagu aasao waxaa badi sheegto shabaab balse ilaa iyo haatan ma jiro war kasoo baxay shabaab oo ay ku sheeganayaan masuuliyada qaraxaani.