Maxaad kala socotaa kulanka Muusa Biixi iyo Mustafa Cagjar

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kusii jeedda Magaalada Tog-Wajaale ee oo ku taalla Xadka ay waddaagaan Somaliland iyo dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Ujeedada Safarka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse uu kulanla yeelan doono Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustaf Maxamed Cagjar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saari doono xiriirka Somaliland iyo dowlad degaanka Soomaalida.

Waa kulankii ugu horreeyay ee ay yeeshaan Madaxda labada dhinac, waxaana xusid mudan in Madaxweyne Muuse uusan wali la kulmin Ra’iisulWasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed.