Jamaal Maxamed Barow “Dowladda Somaliya Shan dal ayeey ii magacaawday inaan Wakiil uga noqdo”

0

Safiirka Dowladda Federalka Somaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Jamaal Maxamed Barow, ayaa sheegay Dowladda Somaliya inay u magacaawday inuu Wakiil uga noqdo Shan dal oo Qaarada Afrika ku yaal.

Jamaal Maxamed Barow oo Saxaafadda kula hadlay dalka South Afrika, ayaa wuxuu sheegay kadib markii la eegay howlaha muhiimka ah ay u baahan yihiin in loo qabto Somali badan oo ku sugan dalalka Afrika in Safaaradaha dalalkaasi la hoosgeeyay mida South Afrika.

“Waxaa hada aan safaarad deganeyn oo la ii magacaabay ayaa ah shan dal oo kala ah; Zimbabwe, Botswana, Namibia, Swaziland iyo Angola, waxaa ay hoos imaanayaan safaarada,” ayuu sheegay danjire Barrow.

Jamaal Barow, ayaa sidoo kale sheegay in sanadkaan qorshooyin badan ay u diyaariyeen dadka Somalida ah ee ku nool dalka South Afrika.

“Sidoo kale qorshaha sanadkan waxaa ku jira in kor loo qaado adeegyada jaaliyadaha Somaliyeed, waxaa bilownay in maalin kasta la qaado waraaqaha ‘GO HOME’, waxaa dhowaan safaaradda bilaabi doonaa bixinta waraaqaha dambi la’aanta oo markii hore meelo kala laga qaadan jirey, sidoo kale diblomaasiyiinta safaaradda waxaa ay isla garteen in gobolada fog fog dadka ku nool adeegyadii ay safaaradda u soo doonan jireen meeshooda loogu geeyo mar dhowna laga bilaabi doonaa magaalada Cape town kaliya baasaboorka ay safaarada u soo doonan doonaan,” ayuu markale yiri danjiraha.

Somali badan ayaa ku nool dalalka Afrika, kuwaasi oo u baahan helida adeegyada kala duwan ee Dowlad kasta ay u qabato Bulshadeed ku nool meel ka baxsan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here