Aabaha dhalay wiil lagu dilay dalka Australia oo baaq diray

0

Aabaha tagsiile Soomaali ahaa oo dhawaan lagu dilay dalka Australia ayaa dowladda Australia ugu baaqay in ay cadaalada horkeento kooxihii ka dambeeyey dilka loo geystay wiilkiisa.

Aabaha ninkaasi marxuumka ah ayaa sheegay in loo baahan yahay in wiilkiisa lagu xasuusto inuu ahaa nin bulshay ah.

Marxuumka iyo aabihii ayaa wada daganaa hal meel shantii sano ee lasoo dhaafay, hal tagsi ayayna ku wada shaqeysan jireen, midba galin.

‘Xiriir qoys oo qura nagama uusan dhexeyne waxaanu asxaab u ahayn si gaar ah’. Sidaa ayuu yiri aabaha marxuumku.

20kii bishii hore ee Abriil ayaa si naxariis darro ah loogu dilay marxuumkaas meel u jirta wax ka yar 200m gurigooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here