Aan ku xisaabiyo mooyee aan wada xisaabtanno waa caqli ka maqan Beyle!!

0

Dowladda Federaalka iyo Beyle..Iyaga Yaa La Xisaabtamo Malaayiin Ayaa Ku Maqan.

Miisaaniyadda ay dowladda federaalka ugu talagashay dowlad goboleedyada iyo Banaadir sanadka 2018-ka oo dhan waa: $22.13 million oo loo qeybinayo 5ta dowlad goboleed iyo Banaadir! Xisaab-xirka uu Beyle raadinayo waa Janaayo-June 2018!!

Qoonadada sanadkan waa sidan: Banaadir: $10.65 million; Puntland: $ 2.0 Million; Jubbaland : $ 1.08 Million; Southwest: $ 2.8 Million; Galmudug: $ 2.8 Million; HirShabelle: $ 2.8 Million!!

Miisaaniyadda guud oo ah $ 274.6 milyan, waxaa lagu cunay Muqdisho, mushaarka shaqaalaheeda keliya ku baxayey waa $130.3 million; amniga $ 89.8 million; qalabeynta xafiisyadeeda $94.3 million!!! Lacagta gashinka lagu qaadayo ayaa ka badan 6da maamul!

Dhinaca kale haddii dowladda isla xisaabtan rabto waxaa jiray 3 dal oo miisiyadda kabtey waa Turkey $ 20.0 million; Qatar $10.0 million; Saudi Arabia $ 32.36 million iyo Midowga Yurub oo bixiyey £100 milyan. Ka waran haddii dowlad goboleedka ay Muqdisho weydiiyaan halka ay mariso deeqaha tooska ah ayey Carabta, Midowga Yurub iyo Ingiriiska siiyeen?!! “ Aan ku xisaabiyo mooyee aan wada xisaabtanno waa caqli ka maqan Beyle”!!!

W.Q Cabdi Caziz Gurbiye