canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Afhayeenka Cusub Ee Baarlamaanka Jawaari//Codadka Sidee Loo kala Helay? | XOG-DOON NEWS

Afhayeenka Cusub Ee Baarlamaanka Jawaari//Codadka Sidee Loo kala Helay?

Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay goor dhaweyd in uu ku guuleystay Afhayeenka Cusub Ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo markii labaad noqday Hogaaminta Golaha Shacabka.

Jawaari ayaa qeybihii hore Culeys kala kulmay Xiddig hase ahaatee uu qeybihii dambe ka hormaray codad badana keensaday.

Gudoomiyihii Kumeel gaarka ahaa Ee Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqore ayaana ku wareejiyey Jawaari Xilkaasi mar kalena uu noqday Afhayeenka Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya.

Waxaa tirada codeysay aheyd 259 Mudane,labo cod ayaana xumaatay.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QAABKA CODADKA LOO KALA HELAY

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu helay 141 Cod.

C/rashiid Maxamed Xiddig oo la tarmayay waxaa uu helay 97 Cod.

C/Fitaax Ibraahim Geeseey oo isagana la tarmayay waxaa uu helay 17 Cod.

Idiris taktar oo isagana la tartamayay waxaa uu helay 2 Cod.