Agaasimayaal loo diiday in Air Port-ka Aadan Cadde ay ka dhoofaan

0

Wasiirka Warfaafinta ayaa Maxamed Cabdi-Xayir Maareeye ayaa amar ku bixiyey in agaasime katirsan wasaaradda warfaafinta uusan ka bixi karin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho amar la’aantiisa.

Maareeye ayaa warqad garoonka diyaaradaha geeyey, taasoo lagu mamnuucayo in dalka ay ka baxaan agaasimayaasha wasaaradda, tallaabadaas ayaa dhalatay kadib markii agaasime wasaaradda katirsan damcay in uu baxo, iyadoo la sheegay in wasiirku shaqo u diray.

Wasiir Maareeya ayaa dhanka kale amar laba maalin ah u qabtay agaasimayaaal katirsan wasaaraddiisa oo dalka dibaddiisa ku maqan, haddii labadaas maalin ay ku imaan waayaan waxa uu caddeeyey in shaqadooda ay weyn doonaan.