Agaasime loo heysto Musuq Maasuq oo loo Gudbiyay Maxkamadda G/Banaadir

0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta loo Gudbiyay Eedeysane  Daahir Maxamed Nuur oo ah  Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka laguna eedeeyay in uu sameeyay Musuq maasuq.

Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Risaala u sheegay in Eedeysanaha Gacanta loo soo galiyay.

Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in soo qabashadda Daahir Maxamed Nuur in aan loo marin waddo Sax ah, islamarkaana Ciidamadii soo xiray ay heysteen waqti dheer.

Labo  Sarkaal oo ka tirsan Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da oo ka mid ahaa raggii soo qabtay ayuu ku canaantay in ay la daaheen, islamarkaana ay aheyd in Mar hore Maxkamadda loosoo gudbiyo.

Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaasimihii Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha,lagu soo eedeeyay “Xatooyo Xoolo dadweyne”.

Waxaa loo haystaa in uu lunsaday lacag dhan $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Doollar).