Ahlusuna shalay iyo maanta (Qormo)

0

Ahlusuna Wal-jameeca oo ah Culimo Qaadiriya ah oo aan hubeysneyn ayaa mar kaliya magacooda hawada galay, kaddib markii ay hubka qaateen, iyagoo noqday cudud milateri oo soo shaac baxday sanadkii 2008-dii, xilligaasoo ay Xarakada Al-Shabaab kula dagaalameen deegaano ka tirsan Gobolada Dhexe oo ay u babac dhigeen, furimo dagaalna guulo ka soo hoyay, wixii ka dambeeya xilligaas Ahlusuna waxay muujisay awood.

Ahlusuna Wal-jameeca ayaa maamuleysay inta badan deegaanada Gobolada Dhexe Guriceel, Dhuusamareeb, Xeraale, Caabudwaaq iyo Matabaan waxaa loo arkayay awood siyaasadeed oo dalka ku soo kordhay, waxaana heshiisyo la galeen dowladdii KMG ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, wada hadal ay garwadeen ka aheyd dowladda Itoobiya, waxay Xukuumaddihii u dambeeyay awood qeybsi ahaan u helayay Wasiiro muhiim ah.

Bishii August Sanadkii 2013 Ahlusuna ayaa Ciidamadeedii Gobolada Dhexe ku wareejisay Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, waxaana xilligaas ay aheyd markii u horeysay ee ay Ciidamadeeda ku biiriso dowladda Federaalka, munaasabad xilligaas ka dhacday Xerada 21aad ayaa cutubyo ka tirsan Ciidankooda lagu wareejiyay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi, waxaana xilligaas Ciidamada wareejiyay Sheekh Ibraahim Guureeye oo ahaa Guddoomiyaha Saddexda Gole ee Ahlusuna.

Sanado kaddib saxiixii Dhismaha maamul u sameynta Galmudug iyo shirkii Cadaado waxay dhalisay khilaaf iyo kala tagid, dagaalo ayaa ka dhacay Guriceel iyo Dhuusamareeb oo aakhirkii Ahlusuna oo dib isu abaabushay ay la wareegtay, waxaana ay ku dhawaaqay Maamul ka madax banaan kan Galmudug ee lagu dhisay Cadaado.

Saldhig la’aanshaha maamulkii curdanka ahaa ee Galmudug ayaa sabab u ahaa, awooda Ahlusuna ku lahaayeen Dhuusamareeb oo loo asteeyay Caasimadda Galmudug iyo Guriceel oo ahaa labo magaalo oo muhiim ah, iyadoo Maamulka Galmudug uu xilligaas ku koobnaa Cadaado iyo qeyb ka mid ah Gaalkacyo.

Bilowga Midnimada Galmudug-ta Cusub

Kaddib is bedelkii dalka ka dhacay 8 February 2017, waxay dhabaha u xaartay in Galmudug oo ay ka maqneyd Ahlusuna in wada hadalo sanadkii hore ka dhacay Muqdisho, Nairobi iyo Jabuuti, in heshiis awood qeybsi lagu gaaro, taasoo suura gelisay in labada dhinac ay midoobaan iyadoo Ahlusuna la siiyay jagooyin waa weyn sida Madaxa Xukuumadda Galmudug, in Baarlamaanada labada maamul la mideeyo oo la isku daro.

Midowga Galmudug iyo Ahlusuna wuxuu mar kale dhaliyay in Ciidamadii Ahlusuna ee ku sugnaa Xerada 21aad in maanta lagu wareejiyo dowladda Federaalka, iyadoo munaasabadii wareejinta ciidamadan ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne Farmaajo, Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Gorod iyo Madaxa Xukuumadda Ahlusuna Sheekh Shaakir.

Inkastoo lagu guuleystay garabkii ka maqnaa Galmudug in la soo celiyo, hadana waxaa cabsi laga qabaa in garab kale uu ka go’o Galmudug, gaar ahaan Beesha Cadaado oo marti gelisay dhismihii Galmudugta maanta midowday, iyadoo cabasho ka qabta heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna ee sababtay in Xaruntii KMG laga guuro, loona guuro xaruntii rasmiga aheyd (Dhuusamareeb), Xaalada hada jirta iyo tabashada ay qabaan reer Cadaado waxay u baahan tahay in lagu wajaho wadahadal, dib u heshiisiin, isu tanaasul, is qancin iyo walaaltinimo, si xaalka uusan u noqon jug jug meeshaada ka joog.

Dad badan ayaa aaminsan in mushaakilka siyaasadeed iyo mid amni ee ka jira Gobolada Dhexe ay salka ku heyso dib u heshiisiin la’aan u dhaxeysa beelaha dega gobolkaas oo horay u soo maray dagaalo soo noq-noqda iyo murano lahaansho deegaan oo soo jiitamayay 20-kii sano ee u dambeeyay, waxaana la rumeysan yahay in dib u heshiisiin laga dhex sameeyo beelaha ay dawo u noqon karto xalka goboladaas.

By C/casiis Golf