Akhri: Fariin ku socota RW Khayre

0

 

Hooyadaan uma baahna inaad caawa laabta galiso, uma bogsiineyso jirkeeda dhaawaca aha, uma soo nooleyneyso cadkeedii (carruurteedii) ga’ay, uma dammaanad qaadeyso in ay iyadu nabad ku sii noolaato. Mudane, waan ognahay in booqashadaadii dhaawacyadu aheed, in aad sawirradaas iyo qaar kale ku hesho, kuwa aan waxba xeerinna kugu siiyaan ammaan aadan muteysan. Waan ujeednaa marag waxaan ka nahay waxa dalkeenna ka dhacaya oo xumaan ah.

Kuma dhahayo is casil sida qaar badan kuu dhaheen, laakiin waxaan kuu sheegayaa mudane ma jirto meesha aad ammaanta ka raadineyso oo ah inaad qarash ku bixisee, ammaanta ku raadi dadaal xeeladeysan oo caqli iyo cilmi ku dhisan.

Muwaadiniinta dhibban ee aad xalay booqatay, uma baahna booqashadaada aan caafimaadka iyo calafka toona ku kordhineyn, ee waxaa ay u baahnaayeen in ammaankooda xil la iska saaro.

Odoyaasha taageerada laga raadiyo, siyaasiyiinta hoteellada lagu biilo, si ay iidheh u sameeyaan, dhallinyarada baraha bulshada ka shaqeeya oo dal iyo dibad jooga, dhammaantood waxaa ku baxa qarashaad ka soo hari lahaa in ammaanka lagu sugo.

War jaanis baad heysataane sumcad ka tagta.

W/Q: Xasan Leego

FG: Xaquuqda Qoraalkaan iyo Aragtidiisa waxaa iska leh Qoraaga ku xusan kama Turjumayso Aragtida Xogdoonnews