Akhriso 5 Qodob oo Dowlad Goboleedyadu La Gadoodsanyihiin

0

1. Federaalkii oo ay Fowdo Kadhigeen.

Waxaa marag ma doonta ah in Soomaaliya maamul ahaan, ay haatan tahay dowlad iyo nidaam ku dhisan hannaan Federaala, oo ka dhiggan in awoodda maamul lagu baahiyo dhammaan qeybaha dalka, dowladduna geed dheer iyo mid gaaban ayey koree sidii ay u taabbagalin laheyd hannaanka Federaalka, lakiin mashaqadu waxa ay ka taaggan tahay in ay jiraan siyaasiyiin haatan talada goballada haya, oo dhabqinaya howsha qaran iyo siyaabaha la doonayo in ay ku hirgasho Federaaleynta. Waxa ay u arkaan in Federaalleyntu tahay isdhexyaac, gacandhaaf, handadaad iyo in lagu gaafa-wareeggo xafiisyada qalaad ee ka dhex furan caasimadaha shisheeye iyo in la isku horliqdaaro awoodaha qaynuuniga ah ee dowladdu u madaxbannaan tahay.

2. Xoolihii dadweynaha oo isla xisaabtan daba yaallo.

Waxa ay dowladdu diiradda saartay in ay hirgalisay hannaan sees iyo dhis wacan wata oo ku saabsan in islaxisaabtanku noqdo gunta wax walba oo ay dowladdu ku maalgalinayso maamul gobaleedyada. Tillaabadaan tayada iyo talada ku dhisan ee dowladdu soo diyaarisay, ayaa ka gudubtay heer Federaal, una gudbay heer Dowlad Goboleed. Madaxda maamul gobaleedyda ayaa waaggu ku baryey, una qalabqaatay sidii ay uga dhuuman karaan in wax laga weydiiyo halki iyo habkii ay u maareeyeen lacagihii iyo miisaaniyaadkii lagu qarashgareeyey adeegyada logu talagalay degaanna hoostaga Maamul Gobaleedyada, Islaxisaabtanka iyo in lagu shaqeeyo hannaan hufan oo wax walba daaha ka qaadaya. Wuxuu ku noqday laf dhuun gashay iyo utun ay ka jiifan waayeen, dowladduna diyaar uma ahan in ay gar iyo waanwaan ku dulgasho hantida iyo ammaanada ummadda iyo qaabka loo maarreynayo. Qorshaha islaxisaabtanka ee dacarta iyo qarasta ku kiciyay Madaxda Maamul Gobaleedyada ayaa ah, ahaana doona, mid ka mida qodobbada heerka qaran u diyaarsan ee ahaan doono mid ka mida qorshayaasha istaraatiijiga ah ee la doonayo in uu miradhal noqdo aayatiinka dhaw, waana mid ka mida furayaasha nagu la aamini karo dowlad ahaan iyo dal ahaan, waa qorshe degsan, oo tayo iyo tiigsiba leh, balse, Madaxda Maamul Gobaleedyadu waxa ay doonayaan, gabbal dhacay iyo waabbari kasta in ay kalafurfuraan qorsha qaran ee islaxisaabtanka ah, si ay u sii wadaan buuqa iyo boor isku qarinta ay ku doonayaan in ay sii wadaan siyaadda ku dhisan harawsiga iyo iskutaagtaaggidda Dowladda Dhexe iyo xagxagashada madaxda xukuumadda.

3. Maxay U Danleeyihiin?

Madaxda Maamul Gobaleedyadu waxa ay noqdeen albaabka qura ee ay ajnabigu ka soo gali karaan Soomaaliya. Muddo badan ayey albaabbadaasi iska ballaqnaayeen, oo dowladihii ka horreeyey Dowladda uu haatan majaraha u hayo Madaxweyne Fomaajo ay itaal u waayeen in ay xiran, laakin, nasiib wanaag, ciyaartaasi waa soo afjarmatay, walow xarfaanta xirfadleyda ah ee hogaamisa maamull gobaleedyada dalku ay xal iyo xikmad u arkaan in albaabbadaasi sii ballaqnaadaan, oo ay halkaas ka lufluftaan, iyaga oo quuddarreynaya in ay wali sii wadi karaan siyaasaddooda ku dhisan nacasnimada iyo xag-ka-bixinta siraha dalka. Si walbaba, Albaabbadii qalaad waa soo xirmeen, waana midda ku ridday maamul gobaleedyada madax xanuunka iyo jahawarerka ay ku hayaan dadka iyo degaannada ay ku sugan yihiin. Waxaa sii dhaceysya cadceeddoodii, madaama ay meesha ka sii baxeyso fowdada iyo fasaadka dhaqanka iyo dhaayaha u ahaa qaar ka mida madaxda iyo siyaasiyiinta haatan hertanka iyo hinraagga beenta ah kula jira Dowladda Dhexe!

Maxay Ku Guuldarreysteen?

Waxay ku guuldarreysteen in maamul wacnaantii loo hanka weynaa ay ku kufaafin waayen meelo ka baxsan magaalooyinka caasimada u ah, tusaalana waxaa noo gu filan waxa haatan ka dhax dhacaya maamulka sii nafbaxaya ee Galmudug, midka Hirshabelle oo haatan soo yara miirsanaya, midka Koonfur Galbeed oo ay sax tahay in laga badbaadiyo faraha wasakhdu ku dhaaroobban tahay ee ku ciyaaraya iyo Jubaland oo haatan u muuqata meel yar oo Axmed Madoobe uu ka dhigtay mamul qof leeyahay. Way ku fashilmeen in ay mushaaraadka ciidanka daboollaan, oo waxii loogu dhiibbay ay afka u wada dhigteen, waxaa taas tusaale u ah gadoodka ciidan ee dhawr mar ka dhacay gudaha Maamulka Butlaan. Habdhaqankaan qalloocan ee ay qaateen madaxda maamulladu, runtii waxa uu ku riixay dowladda in tillaabo ay masuuliyadi ku dheehantahay qaaddo, si loo badbaadiyo waxa yar ee noo dhisan haatan. Haa, xil ayaa ka saaran Dowladda Dhexe iyo madaxda dalku in ay faragaliyaan, waliba la taabato meelaha aan la taabban ee ragga qaar ay iska dhaadhiciyeen in ay xaq, dhaxaltooyo iyo milkiyad u leeyihiin.

5. Maxay ka baqayaan?

Qandhada iyo xummadda Doorashada ayaa wada haysa, oo labo ka mida (Puntland iyo Koonfur Galbeed) muddo xileedka Madaxdaasi waa gabagabo, waxa ayna damacsan yihiin in ay fowdo iyo qas ku furaan doorashooyinka soo socda, waana mid ka mida awoodaha khiyaligaa ee ay iska dhadhiciyeen. Dabcan, qaarkood waxa ay ku hadleen af aan anshax, xikmad, xeer iyo usluub siyaasadeed toona xambaarsaneyn, sida hadallada Xaaf oo ay iskaga qasmmeen afsuuqa iyo afsiyaasadeedka, talada iyo tusaalaha uu hayana waxa ay toos uga muuqataa maamulka uu madaxweynaha u yahay. Gaas ayaa isaguna dhiiqo taas la mida ku dhex jira, oo wuxuu awoodi waayey in uu mushaarka askarta ceymiyo, Butlaanna uu gaarsiiyo heer dadkeedu ay doortaan cidda hoggaaminaysa. Runtii, Madaxda Maamul Gobaleedyadu waa ay ku fashilmeen dhammaan waxii ay ummaddu sugeysay!