Akhriso Afar Qodob oo keeni kara in Shariif Xasan ka haro tartanka Doorshada K/galbeed

0

Madaxwaynaha waqtigiisu dhamaadayvee Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh adan ayaa warar ilaa shalay soo baxayay sheegayaan inuu dooonayo ka taanaasulidda Tartanka Doorashada Madaxtinimada K/galbeed, waxaa kale jira shaki laga muujinayo inuu joojiyo Dhamaamba Doorashada oo uu waqti hal sano ah ku darsado walaacaan ayaa dhashay kadib markii ay iscasileen inta badan Xubnihii Guddiga Doorashada Madaxwaynaha Koofur Galbeed.

 

Hadaba hadii shariif iskaga haro Doorashada Qodobadan ayaa ka reebay ee aqrisbo.

1-Shacabka

Shacabka Koonfur Galbeed ee ku sugan dalka iyo dibbada ayaa si baaxadleh u muujiyay diidmo ku aadan inuu Shariifka dib usoo laabto, waxey ku eedeyeen inuu maamulkii fadhiid ka dhigay deegaanka, waxaana ay dalbadeen isbadal.

2-Imaarate-ka

Shariif Xasan waxaa uu sugayaay in lasoo gaarsiiyo lacag ka imaneysay Imaarate-ka oo uu rabay inuu doorashada ku galo, lacagtaas waxaa soo qaadi lahaa Cumar Cabdirashiid iyo Jurrile laakiin waa la waayay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Villa Soomaaliya iyo imaaradku ay is fahmeen.

3-Dowlada dhexe

Shariif Xasan ayaa dareemay culees xoogan oo kaga yimmid Dowlada dhexe ee Soomaaliya, taas oo gadaal ka taagan labo musharax oo xoogan, waxaa xildhibaanadii Koonfur Galbeed intoodii badneyd ay joogaan Xamar taas oo ka dhigan in si walbaba aaney Shariif dooran doonin. Villa Soomaaliya ayaa go’aan ku gaartay in Shariif Xasan meesha laga saaro.

4- Musharaxiinta isbadal doonka ah

Sida lagu yaqaano siyaasada Soomaaliya, mar walba musharaxiinta isbadal doonka ah waa iska hadaf, waxaana ay ka siman yihiin in laga adkaado qofka xilka haya. Shariif waxaa uu dareemaya inuu kaligiis yahay ayna adag tahay inuu soo laabto.

Afartaan arrimood ayaa loo sababeyn karaa hadii uu Shariif Xasan ka tanaasulo doorashada madaxtinimada ee Koonfur Galbeed.