Akhriso: Al-shabaab oo ku dhawaaqay Qorshe halis ku ah Maalgashiga Dekadaha Somalia

0

Shabaab ayaa waxa ay sheegeen inay ka hortagayaan qorshaha dowladda Itoobiya ay ku maalgashaneyso Afar Dekadood oo ka mid ah kuwa ku yaalla gudaha Soomaaliya, bacdamaa ay tilmaameen in qorshahan uu yahay mid fog oo muddo laga soo shaqeynayay.

Masuul ka tirsan Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Mahad Warsame ayaa wuxuu sheegay haddii sidan loo daawado damaca dowladda Itoobiya in ugu dambeyn Magaalada Muqdisho ay noqon doonto caasimadda Dowladda Itoobiya sida Yuhuuda loogu aqoonsaday in caasimadooda ay tahay Magaalada Barakeysan ee Qudus, kadib markii Mareykanka uu aqoonsaday.

“Itoobiyaanka marnaba maankeeda kama baxo in ay inta ka dhiman dhulalkii Muslimiinta gacanta ku dhigto, xoog ama xeelad middii ay doonto haku qabsato, Imaaradii ugu dambeysey ee Muqdisho ku taallay waa tii qabsatay dabayaaqadii 2006-dii, iyadoo ay horboodayaan rag Soomaali ah oo dadkoodii iyo dalkiiba gatay, berigaas xabashidu waa lawada xusuustaa, iyagoo lugaynaya ayay badda Xeebta Muqdisho istaageen, qoryihii ayay foodda biyaha badda u geliyeen, iyagoo aaminay in ay wax Soomaali la yiraahdo u dhammaatay mar haddii ay Muqdisho muruq ku qabsadeen balse Laba sano oo Jihaad aanan waxba la iskula harin, Rag badan oo Mujaahidiin ahna ay naftoodii u hureen, Jihaadkaas kadib Ilaahay wuxuu qadaray in Itoobiya in ay Soomaaliya oo dhan lug uga baxdo, damaceedii guracnaana uu beenoobay.”Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Mahad.

Sheekh Mahad Warsame, ayaa sheegay Shabaab inay joojiyeen dhismaha wado ka timaada dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, wadadaasi oo la rabay inay toos u gasho Magaalada Hobyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa dowladda Itoobiya ogolaansho u siiyay Afar dakadood oo ka mid ah Dakadaha Soomaaliya maalgashi inay ku sameeyaan.