AKHRISO: Al-Shabaab oo soo bandhigay magacyaada dadkii lagu laayay duqeyntii Jilib

0

Diyaaradaha Mareynkanka ee Dowladda Soomaaliya ka caawinaya dagaalka Al-shabaab ayaa la sheegayaa in duqeyn ay ka geysteen Gobolka Jubbada dhexe ay ku dileen dad rayid.

Dowladda Soomaaliya oo duqeynta ka dhacday deegaanka Sheikh Axmed Yare ka hadashay waxay sheegtay iney ku dishay xubno sare oo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab,balse waxaa soo baxaya war arintaasi ka duwan.

Ururka Al-shabaab oo ka horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray Magacyada 7-Xubnood oo isku qoys ah oo ku geeriyooday weerarka duqeynta ah.

Mid ka mid ah dadka duqeynta ku geeriyooday ayaa meydkiisa la’yahay halka meydadka kale la aasay,sida dadka deegaanka ay warbaahinta gudaha u sheegeen.

1:- Sheekh Maxamed oo ay la geeriyootay Xaaskiisa.

2:- Muudeey Xuseen oo adeer u ahaa Sheekh Maxamed.

3:- Sheykh Nuur Xaaji Garweyne oo qabay gabar uu dhalay Sheekh Maxamed.

4:- Cabdi Naasir oo uu dhalay  Sheekh Maxamed.

5:- Cali Nuur Sheekh Nuur oo ay ilma’Adeer ahaayeen Sheekh Maxamed.

6:- Shariif Sheekh Ooyaaye, oo ay ilma’Adeer ahaayeen Sheekh Maxamed.

Marka laga soo tago Warkaan ay soo saareen Al-Shabaab ayaa hadana waxaa war-Saxaafdeed ay siwadjir ah u soo saareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska ciidamada Milatariga Mareykanka ee Africa ee loo yaqaano AFRICOM,waxa ay sheegeen in lagu dilay 7 ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab.