Akhriso: Garsoorayaal taageeray xilka qaadistii Gudoomiyaha Maxkamadda Sare

0

Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka ayaa si buuxda u taageeray go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya uu xilka uga qaaday Gudoomiyihii Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan loona magacaabay Guddoomiye cusub.

Xubnahaan ka tirsan Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu Madaxweynaha u xaq u leeyahay in xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameyn karo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya,

Garsoore Axmed Maxamed Shiikh Ibraahim “Baardheere” oo ku hadlayay Magaca Garsoorayaasha Maxkamadda sare ayaa go’aan wanaagsan ku tilmaamay Tilaabada Madaxweynaha uu xilka kaga qaaday Gudoomiyihii Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in wax weyn uu garsoorka ka badali doono guddoomiyaha Cusub ee loo magacaabay Maxkamada Sare ee dalka.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa si cad ugu soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay, sidoo kale Xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa sheegay in wado sax ah aan loo marin xil ka qaadista guddoomiyaha Maxkamada Sare