AKHRISO: Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo loo gudbiyay mooshinka ka dhan ah MD Cosoble

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa maanta gudbiyay mooshin ka dhan madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo lagu eedeeyay ku takri fal awoodeed.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Marwo Canab Axmed Ciise ayaa Guddoontay Mooshinka ay ku saxiixan yihiin ku dhawaad 42-Xildhibaan.

Marwo Canab Ciise ayaa ka dhawaajisay in Guddoonka Baarlamaanka loo soo gudbiyay mooshinkan oo la filayo in maalmaha soo socda ay ka doodaan Xildhibaanada.

Qoddobada lagu eedeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cosoble ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1- Inuu jebiyay qodobo dastuuri ah,

2- Ku takrifal awoodeed,

3- Xil gudasho la’aan,

4- iska-horimaad beelaha dega Hirshabeelle,

5- Shaqo xumo xukuumada ah

6- la tashi la’aan labada gole.

13-Wasiir oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar kaga dhawaaqay iney iska casileen Xilka Wasiirnimo iyagoona ku biiray ololaha mooshinka lagaga wado Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble.