Akhriso Hadaladii ugu Muhiimsanaa ee laga jeediyay Shirka Brussels iyo Farmaajo oo joogin Goobta Shirka

0

Magaalada Brussels Waxaa ka socda  shir looga hadlaayo Arrimaha Soomaaliya, waxaana shirkaan ka qeyb galaya dad ka badan 70 qof oo xilal kala duwan ka haya Soomaaliya, ayna ka midyihiin dad ka socda hay’addaha gargaarka, iyo waliba ururada bulshada rayidka ah.

Shirkan oo daba socda Shirkii lagu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii ayaa waxaa lagu Casuumay oo ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada, Wasiiro iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Goobta Shirka ayaa sidoo kale waxaa ku sugan xubno ka socda Beesha Caalamka.

Madaxda maamul goboleedyadda qaarkooda ayaa Shirka Khudbad ka jeediyay, waxaana ay si kooban uga hadleen Waxyaabaha ay Soomaaliya ay u baahan tahay in laga caawiyo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ay ka muuqatay in uusan ku qanacsaneyn sidda ay wax u socdaan ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed laga doonaayo in laisla xisaabtamo.

Axmed Madoobe waxaa uu Eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, oo uu sheegay in ay ka gaabiyeen waxqabadkii laga rabay.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in sare loo qaado isla xisaabtanka, waxaana uu dhaliilay sidda ay hadda wax u socdaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in dhibaato badan ay ka jirto Soomaaliya, loona baahan in la taageero.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Shabaab ay xoogeysteen,islamarkaana ay Qatar ku yihiin Soomaaliya, haddana aysan jirin ciidan Qaran oo xooggan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa xusay in dhisidda dowladnimada Soomaaliya dhib badan laga soo maray,islaamarkaana maanta loo baahan yahay in aan la dayicin oo la xoojiyo.

Madaxweyne Xaaf waxaa uu si weyn uga hadlay Xaaladda Ammaan ee dalka, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo dhiso ciidan qaran, Xaaf ayaa sidoo kale xusay in loo baahan yahay dib u heshiisiin in laga sameeyo Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo Khudbad ka jeedinaayay Kulanka ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay Wadada hormarka, loona baahan yahay in la siiyo taageero Mideysan oo dowladda Soomaaliya si toos ah gacanta loogu soo galiyo dhaqaallaha lagu taageero.