AKHRISO: Itoobiya oo qiratay in loo gaca geliyay Qalbi dhagax & siday ka yeeleyso

0

Wargeyska Ethiopian Observer ee kasoo baxa dalka ethopia ayaa daabacay in Dowladda dalkaas loosoo  gacan galiyay Hoggaamiyaha sare ee Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) Abdikarim Sheikh Muse oo loo yaqaan ‘Qalbi Dhagax”.

Qalbi Dhagax ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug, waxaana la geeyay Magaaladda cadaado Isagoo markii dambe loo soo gudbiyay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Somaliya.

Waxa u sheegay Wargeyska in Mr Abdikariin uu yahay ninka ugu weyn Jabhadda ONLF iyo hoggaamiyaha Eritrea.

Sidoo kale Abdikarim Sheikh Muse oo loo yaqaan ‘Qalbi Dhagax ayaa lagu eedeeyay in Jabhadda Waddaniga u dagaalamayay  tan iyo 1984-kii, si ay ula wareegto gobolka Ogaden, oo xuduud la leh Soomaaliya.

Abdikarim Sheikh Muse ayaa diyaarad yar looga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay diyaarada sii martay magaalada Baydhabo oo saldhig u ah Ciidamada Itoobiya.

Waxaa arintaan xaqiijiyay La Taliyaha Madaxweynaha Jubbalad Cabdi Cali Raagge iyo Taliye kuxigeenka Nabadsugida Jubbaland Col. Gaas oo sheegay in sarkaalkaas diyaarad loogu qaaday magaaladda Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaarada Milateri looga sii qaaday garoonka diyaaradaha magaaladda Baydhabo, waxaana la geeyay magaalada Godey, halkaasoo galabta ay diyaarada Ethiopian Airlines ka qaaday, isla markaana ka dejisay magaalada Nazaret oo ah ku taal xarunta ugu weyn ee Sirdoonka Itoobiya.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan geliso Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF, iyadoo al xusuusto in qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira ay horay xubno ka tirsan ONLF oo ay ka qabteen deegaanadooda u gacan geliyeen dowladda Itoobiya.