Akhriso Liiska Xildhibaanada Federaalka ee Saacado kadib ku wajahan Magaalada Cadaado iyo ujeedkooda

0

Waxaa la filayaa inay Saacado kadib Magaalada Cadaado u duulaan Xildhibaan badan oo ka tirsan kuwa Federaalka ee kasoo jeedo deegaanada Galmudug.

Xildhibaanada Berri ku wajahan Magaalada Cadaado waxaa kamid ah:

  1. Xildhibaan Mahad salaad
  2. Xildhibaan Zakariye
  3. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi
  4. Xildhibaan Cabdi Weli Qanyare
  5. Xildhibaan Xasan Macalin

Iyo kuwa kale oo aanan halkaan kusoo koobi karin, waxaana la sheegay inay saacadaha soo sodo Magaalada Cadaado gaari doonaan iyagoo kulamo la qaadan doono madaxda Sare ee Maamulka Galmudug sida Madaxweyne Xaaf , Madaxweyne Ku xigeenka Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Casir.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay halkaas u aadayaan sidii loo badbaadin lahaa Maamulka Galmudug oo ay sheegeen inuu ku jiro xaalad halis.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya faragelin iyo dagaal ku heyso Maamulka Galmudug, wuxuuna Axmed Macalin Fiqi sheegay inaysan aqbali doonin la dumiyo Maamulka Galmudug oo uu sheegay in dhibaato badan laga soo maray sameyntiisa.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.