AKHRISO: Magaca Sarkaal Shabaab oo laga baadi goobayo xaafadaha Muqdisho

0

Ilo ku dhow Saraakiisha Nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa inoo sheegay in ciidamo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya ay Muqdisho ka baadi goobayaan Sarkaal Al-shabaab oo la sheegay inuu ku dhuumaaleysanayo xaafadah Muqdisho.

Sarkaalkaan ayaa la xaqiijiyay inuu ka soo baxsaday Gobolka Shabeellaha halkaasi oo uu ka socdo howlgal lagu baacsanayo Saraakiisha Al-shabaab.

Ilaha xog ogaalka aan heleyno ayaa ku waramaya in Sarkaalka Al-shabaab oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Mascuud uu ku dhuumaaleysanayo Xaafadaha seddex degmo midkood,kuwaasi oo lagu kala sheegay degmada Wadajir,Yaaqshiid iyo degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Saraakiisha ku jira howlgalka baadi goobka ah ayaa adeegsanaya xeelad kasta oo ay ku heli karaan Sarkaalka ay doonayaan.

Inkastoo xog dhameystiran laga heleyn Sarkaalka Al-shabaab ayaa hadana waxaa la sheegayaa inuu ka tirsan xubnaha Al-shabaab uga Wakiilka ah Gobolka Banaadir gaar ahaan dilalka iyo sameynta Qaraxyada,sida aan xoga ku helnay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ugu jirta sidii Al-shabaab looga adkaan lahaa siyaasad iyo Militari ahaanba.

Hadda gacanta Dowladda waxaa ku jira Ku-xigeenkii hogaamiyihii Al-shabaab ahaana Afhayeen Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Shabaab ay damacsanaayeen iney dilaan.