Akhriso Magacyadan Yaa kasoo muuqan kara golaha wasiirada Cusub? xog muhiim

0

Ra’isul wasaaraha Soomaaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa wada wadatashiyada uu la yelanayo waxgaradka siyaasiyiinta iyo kuwa doonaya inay ka mid noqdaan golaha wasiirada cusub ee uu dhawaan soo dhisi doono.

 
Xasan Cali, ayaa kulamo kala gooni gooni ah wali la qaadanaya beelaha Soomaaliyeed ee ay matali doonaan wasiirada uu soo dhisi doono , waxaana la sheegaya in Liisas hore oo uu ku dhawaaqi rabay ra’isul wasaaraha waxkabadal lagu sameeyay.

 
Warar hoose oo laga helayo xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka ayaa sheegaya in Liisas dhowr ah oo uu Ra’isul wasaaruhu ku doonayay in uu kusoo magacaabo wasiirada cusub wax kabadal lagu sameeyay kagadaal tabashooyin kaga yimid beelaha qaar.

 
Waxaa jira shakiyo kale oo laga muujinayo shax ku aadan liis cusub oo uu ra’isul wasaaruhu ku doonayo inuu kaga dhawaqo golihiisa wasiirada Soomaaliya, kaasi oo ka kooban in ka badan 25- wasiir , wasiiru dowlayaal iyo wasiir ku xigeeno, oo waliba la sheegayo in qaarkood ay yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

 
Waxaa suura gal ah in liiskan hoose ay ku jiri karaan qaar ka mid ah wasiirada Cusub ee Soomaaliya ama dhamaantood ay ku wada jiri karaan waxaa kaloo macquul ah in wax ka badal lagu sameeyo.

 
1: Maxamed Jaamac Mursal Geelle ( Ogaadeen)
2: Jaamac Ceeydid ( Dhulbahante)
3: Maxamed Maxamuud Caalim (Dishiishe, Axmed Harti, Daarood)
4: Jamaal Maxamed Xasan ( Warsangeli )
5: Maxamed Ibraahim Cali CAJIIB (Abgaal, Wacaysle )

6: Cabdirisaaq Cumar Maxamed ( Xawadle )

7: Saciid Nuur Giriish ( Habargidir, Ceyr )
8: Yuusuf Axmed Xasan Jeego (Gaaljecel)
9: Ridwaan Xirsi Maxamed ( Isaaq, Habar Yoonis )
10: Bashiir Sheekh Cumar Good ( Samaroon, Reer Nuur)
11: Cabdullahi Cabdi Carab ( Dir , Surre )
12: Axmed Gaboobe Ugaas bile ( Dir, Gaadsan)
13: Cali Sicid Fiqi ( Digil / Tunni )
14: Ismaaciil Axmed Aadan Polio ( Digil / Dabare)
15: Cabdifitax Geesey ( Mirifle / Leeysan )
16: Aadan Maxamed Nuur ( Mirifle / Hadame
17: Fahad Yaasin Xaji Dahir ( Reer Aw-Xasan / Reer Aw-Mahdi )
18: Siciid Xuseen Ciid ( Carab-Salax)
19: Khadiija Maxamed Diiriye (Yaxar)

20: Maryan Qaasim (Kulmis)

 

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here