AKHRISO: Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Wasiirka Gaashaandhiga DF & Abuu Mansuur?

0

C/rashiid C/laahi Maxamed Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya ayaa degmada Xudur kula kulmay Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), oo maanta Koonfur Galbeed isku soo dhiibay.

C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa kulan albaabada u xirnaa inay la qaateen Abuu Mansuur.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Degmada Xudur, ayaa ilaa hada si rasmi ah aanan loo ogeyn waxa looga hadlay, balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka looga hadlay sidii Abuu Mansuur looga dhaadhicin lahaa in loo soo qaado Magaalada Muqdisho oo xarun u ah Dowladda Federalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa la sheegay in uu doonayo in Abuu Mansuur uu soo kaxeeyo magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka baaqday safar uu maanta ku tagi lahaa magaalada Xudur si uu halkaasi ugala soo kulmo Sheikh Mukhtaar Abuu Mansuur,balse Shariif Xasan ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho ku soo dhaweeyo Sheikh Mukhtaar.

Abuu Mansuur ayaa Dowladda Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012-kii, xilligaasi oo Shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen Al-Qaacidda.