Akhriso: Sadex Kooxood oo Diidan Safarka Madaxwayne Farmaajo ee Itoobiya

0

Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdulahi Farmaajo, R.W Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxwaynaha Eretrea Isaias Afwerki ayaa Kulan Sedex Geesood ah ku yeelanaya Dalka Itoobiya, Waa Kulan Daba Socda Shirkii Sanadkaan ka dhacay Eretrea, waxaa Xooga lagu saarayo Iskaashiga Dhaqaalaha, iyo Amniga, waa Kulan lagu doonayo in lagu dhameeyo Khilaafka Jabuuti iyo Eretrea, Waa Kulan lagu doonayo in Lagu Dhiso Ururka Ishaashiga Bariga Africa.

Hadaba Somalia maxaa Faaiido ugu jira Shirkaan?

Somalia oo ah Wadan Colaado Sokeeye iyo Argagixiso la daalaa dhacaysay Sanado ayaa u muuqata in ay Wadada dib u soo kabashada Cagta saartay, Somalia waxay gaartay in aan looga maarmin inay qayb ka haato Isbadalada ka socda Gobolka garaan Geeska Africa, Somalia waa ka gudubtay in Gobol Gobol iyo Shaqsi Shaqsi loola shiro oo laga Saxiixdo Heshiisyo aan Shirco ahayn, Maanta waa Dowlad, Dowlado la Xisaabtamaysa

Somalia waa Dalka ugu badan ee ka faaiidaya hadii lagu guulaysto Didaalkaan Iskaashiga Dhaqalaha ee la wado, waa Dalka kaliya ee leh Dhulkii la Maalgashan lahaa, Somalia Waxay heysataaa Dhul xeebeedka ugu dheer Geeska Africa, Waxay haystaa Lix Dakadood oo Diyaar ah una baahan Dayactir, waxay kaloo heli kartaa Dhul laga Dhisi karo Lix kale waxayna Suuqa u noqon Doontaa Wadamada Afrrica iyo Aduunka intiisa badan.

Yaa Diidan Safarka Madaxwaynaha ee Itoobiya?

Horta kuwa Diidan Safarka Farmaajo waa Sadex Kooxood 1-Shacab Jadbaysan oo Uurka ka Neceb Itoobiya moodana Hadii ay Madaxwayne Somaliyeed la Shirto ay qadaynso Dakadaha iyo Dhulka Somaliyed Qoladaan waxaa Si qaldan wax u Faham siiyay Siyaasiin Danaysta yaal ah, Hormarka Somalia u Diidan Markay Danahooda ka dhaxwaayeen Maamulkaa Madaxwayne Farmaajo, Qoladaan Xukuumadda ayaa laga rabaa inay ku qanciso Dhaq dhaqaaqyada ka socda Gobolka, Baarlamaankana Heshiisyada horkeento Marka la gaaro Dhaqan galintooda.

2- Kooxdaan waa Hugaamiyaasha Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiin ayagu rabo inay qayb ka noqdaan Shirarka Dowladaha iyo ka arinsiga Isbadalka Gobolka ka socda, ma doonayaan in la gaaro Isbadal Hormar oo Geeska Africa ka dheca ee waxay rabaan Inay dilaal iyo Laa luushkii ay ku ilama korsadeen intii Somalia Burburka ku jirtay, waxay la qabsadeen inay Somalia ku mataal Shirarka Caalamiga waxayna is moodeen inay xaq u yeeliyihiin, in Qoladaanu maanta Banaanka ka joogaan Howasha socota waa Tilaabo ay Somalia u qaaday Dhanka Dowladdninada.

3-Kooxdaan ugu danbaysa waa u Adeegayaasha Cadowaga Somalia iyo Calooshood u Shaqaystayaal, Qoladaani waxay iskugu jiraan Argaxiso, kuwaas oo Diidaan Nolosha iyo jiritaanka wax la yiraahdo Dal iyo Dad Somaamiyeed oo haysta Dowladnimo ka madaxbanaan tooda wax Gowracda inta aan ayaga ahayna u taqaan Murtadiid Rabi ka furtay, iyo Ganacsato ka macaasha Burburka iyo Dowlad la aantii Somalia, Gancsatadaan waxaa u cad inaysan Helayn dhaqaalaha Xad dhafka ee ay ka Sameeyaaan Burburka Somalia, hadii Dalku helo Maalgalin Dowaldduna qaado Canshuurta Dalka oo dhan, waxay kaloo Daaro dhaa Dheer iyo Ganacsiyo ku lee yihiin Wadamada loo qaxay, waa Dhismayaal Hanti badani ku Camiran tahay waa Hubaal inay soo Faaruqayaan marka ay Somalia Suuqa Africa noqoto una jahaysato inay Suuqa Aduunka noqoto.

FG: Maaandeeq Dhaqaaqdaye yaan lugaha la qaban.

Qore Ali Yare Abdiwahab Aden
Email Caliyareg@gmail.con