Akhriso: tirada Xildhibaanada la dilay Xiligii Xasan Sheekh iyo kan Farmaajo

0

Xildhibaanada Baarlmaaanka Soomaaliya ayaa seddexdii berri ee ugu dambeysay waday dood ku saabsan Amniga Muqdisho kadib markii Muqdishi lagu weeraray Xildhibaan iyaga ka tirsan

Xildhibaanada doodaas ka hadlay ayaa tilmaamay in Amniga Muqdisho halis ku jiro isla markaasna ay dowladda Dhexe ka jiiftay.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay inaysan guryahooda kasoo bixi karin Amni darro uuna Baarlamaanka Soomaliya ku jiro xaalad halis ah.

Sidaas darteed waxaana dabagal ku sameynay xildhibaanada la dilay intii ay jirtay dowladda Farmajao iyo intii la dilay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.

Dowladda Farmaajo intii ay jirtay waxaa la dilay wasiir Cabaas Siraaj, oo sidoo kale ahaa xildhibaan, wuxuuna ku dhintay qalad iyo kala shaki ciidamada dhexdooda ah oo ma dilin Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka akhriso:

1- Xildhibaan Xuseen C/salaam Maxamed, September 2013, Muqdisho

2- Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Faysal), December 2013, Gudaha Villa Somalia, Muqdisho Sanadka 2014

3- Xildhibaan Isaaq Maxa’ed Riino 21 April, 2014, Muqdisho

4- Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal 22, April, 2014, Muqdisho

5- Xildhibaan Maxa’ed Maxa’uud Xayd 3 July, 2014, Muqdisho

6- Xildhibaan Saado Cali Warsame 23 July, 2014, Muqdisho

7- Xildhibaan Sheekh Aaden Madeer 1 August, 2014, Muqdisho

Sanadka 2015

8- Xildhibaan C/llaahi Qayad Barre 9 Febuary, 2015, Muqdisho

9- Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug) 20 February, 2015, Muqdisho

10- Xildhibaan Maxa’ed Ducale Muse (Xaji-kafe) 20 Febuary, 2015, Muqdisho

11- Xildhibaan Yuusuf Dirir 23 May, 2015, Muqdisho

12- Xildhibaan C/llaahi Maxa’uud Xuseen (Bantu) 25 July, 2015, Muqdisho.

13- Xildhibaan Cabdi Maxa’ed Abdidoon 1 November, 2015, Muqdisho

14- Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan 7 November, 2015,

Iyadoo intaas oo Xildhibaan la dilay waqtigii dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ilaa hadda waxaa la fahmi la’yahay sababta keentay inay Xildhibaanada sameeyaan kacdoonkaan ku aadan Hal Xildhibaan oo la dhaawacay sanadkaan 2018.