Akhriso:- ujeedka ugu wayn ee loo xiray Wadooyinka

0

Hey’addaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho, iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu adkaaday isu socodka xaafadaha Muqdisho.

Ciidamada ayaa waddooyinka qaar ku gooyay dhagxaan, waxaana dib u soo laabtay dhagaxyaantii iyo carradii lagu xirayay waddooyinka.

Wadada Wadnaha ayaa ka mid ah meelaha ay aadka u adag tahay in gaadiid lagu gudbo, waxaana gaadiidka uu ku geynayaa meel aan u dhoweyn isgoyska oo ay dadka ka sii lugeynayaan.

Sidoo kale gaadiidka ayaa loo ogoleyn inay ka soo gudbaan Isgoysyada qaar, sida Isgoyska Banaadir, dhanka wadada Taleex, tarabuunka iyo isgoysyada ku teedsan wadada Wadnaha.

Meelaha aan gaadiidka soo geli karin waa waddooyinka jidcayaasha ama kuwa laamiga ee soo aada dhanka wadada Maka al-Mukarama, iyadoo gaadiidka uu ka bixi karo, balse aanu soo geli karin.

Xirnaanshaha waddooyinka iyo ciriiriga magaalada gashay ayaa dad badan walaac ka muujiyeen, iyadoo lagu guda jiro u diyaar garowga Ciida, waxaana dadka ay isu diyaarinayaan inay suuqyada ka soo gataan dharka ciida.

Ujeeedka loo xiray Wadooyinkaan ayaa ah in Hay’addaha amaanka  Sidoonka UN u sheegeen in Gaadiid Qaraxyo wada uu ku jira Magalaada laga Cabsi qabo in Soonka oo dhamaad ah ay Al-shabaab ku weeraraan qaar kamid ah Xaruma Dowladda iyo Hoteelada gaarka loo lee yahay, ayadoo ka duulaya in Ramadaankii ugu horeeyay aysan Muqdisho ka gaysan Qaraxyadii galaafan jiray Nolosha badan oo Soomaaliyeed.

Tan iyo markii uu bilowday bisha Ramadaan, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad u sii xumaanayay, iyadoo dad badan lagu dilay oo isugu jiray dad shacab iyo askar, waxaana howlaha sugida amniga Caasimadda uu hadda ku soo koobmay kaliya jid xirid iyo dhagxaan lagu gooyo waddooyinka.