Akhriso: Warbaahinta Madaxa-banaan oo hugaan Cusub doortay

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay doorashada guud ee Dallada warbaahinta Soomaliyeed (Somali Media Association) ee SOMA, Doorashada oo ahayd mid daah furan ayaa waxaa goob joog ka ahaa ururada warbaahinta madaxa banana.

Doorashadan oo lagu dhex qabtay shirweynaha Dallada SOMA oo ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa Ustaad Maxamed C/wahaab C/llaahi oo ah Agaasimaha Idaacadda Risaala loogu doortay xilka Xoghayaha guud ee SOMA.

Guddoomiyaha Dallada warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA waxaa loo doortay Maxamed Cusmaan Makaraan oo ah Agaasimaha Idaacadda Hiiran Weyn ee ku taalla magaalada Baladweyne.

Guddoomiye ku xigeen waxaa loo doortay Axmed Caydiid Diiriye oo ah Tifaftiraha Idaacadda Sooyaal oo ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ustaad Black oo ka mid ahaa guddiga doorashada ayaa masuuliyiinta cusub ee maanta la doortay kula dardaarmay iney si wanaagsan shaqadooda u gutaan.

Xoghayaha cusub ee Dallada warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa sheegay in ay rajeynayaan in gobolada dalka ay ka furtaan xafiisyo si loo hormariyo shaqada warbaahinta loona balaariyo howsha dallada.

Dhanka kale waxaa guud ahaan la soo gaba gabeeyay shirweynihii golaha guud ee Dallada warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA oo Laba maalmood ka socday magaalada Muqdisho.

Gaba gabada shirka ayaa waxaa lagu saxiixay habraaca bedqabka warbaahinta Soomaaliya, waxaana saxiixay dhamaan xubnihii ka qeyb galay shirweynaha.

Sidoo kale dhamaan xubnihii ka qeyb galay shirweynaha waxaa la guddoonsiiyay shahaadooyin cadeynaya ka mid ahaanshaha Dallada SOMA oo loogu tala galay in sanad lagu shaqeeyo.

Ururka SOMA ayaa markii hore lagu aas-aasey ilaa 13 Idaacadood, Shirweyne ka dhacay dalka Uganda kadib ururka waxa uu soo marey mar xalado kala duwan, taas oo aakhirkii ay ururka ku bohoobaan ilaa 38 Idaacadood, waxaana Shirweynahan lagu ansaxiyey in ururka ay ku soo biiri karaan Talefishinada iyo Wargeysyada iyo Website-yada, shirweynahan ayaa noqonya Shirweynihii Shanaad ee ay SOMA qabsato.