Akhriso Xog kooban:- Geeriida Wariye Hani Xaji oo Turkiga ku dhimatay

0

Wariye Hani Xaaji Maxamed oo ka mid aheyd Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa goordhow waxa ay ku geeriyootay dalka Turkiga sidda ay xaqiijiyeen Wariyeyaal ku sugan Turkiga, Wariye Hani Xaaji Maxamed ayaa bilihii lasoo dhaafay waxa ay ku sugneyd dalka Turkiga, Hani ayaa sidoo kale  waxa ay hadda ka howlgalisay Wasaaradda Maaliyadda

Wariye Hani Haji Mohamed waxay kamid abayd Bahda TVga Universal waxay ahayd Qof aad ugu firfircoon Howsheeda Saxafinimo Mudooyinkii u danbeeyay waxay ku sugneed Dalka Turkiga.

Saacado ka hor ayaa loola Cararay Hospital ku yaala Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga ayadoo aan wax miyir ah lahayn kadib Jirdil Xoogan ay u gaysteen Ciidanka Ilaalada Xududaha Dalka Giriiga oo sida la sheegay ay doonaysay inay ka gudubto ugu danbaynaa Dhaqaatiirta ayaa Xaqiijiyay inay Dunida Maanta Faarujisay

Wili dhaqaatiirtu ma shaacin Sabbata Rasmiga ee Geerida Hani balse Jirdilkaas ee u gaysteen Ciidanka Giriigu ayaa loo badinayaa inay sababsatay