Akhriso:Dhawr arimood oo ku saabsan Abwaan Hadraawi iyo Hankiisa ka’ sarreeya Adduunyo-jacaylka

0

Farriin uu ii soo diray qof aad u naxariis badani ayaa ahayd; Waxan ka baqayaa in Hadraawina dhexdeena silic ugu dhinto sidii hebel iyo hebel iyo heblaayo! Qofkaa qalbiga fiicani wuxu ii tiriyey afar fannaan oo beryo dhawayd gaajo iyo macaluul ugu dhintay Hargeisa iyo Muqdisho, kaddib markii laga soo jawaabi waayey baryadoodii iyo baahidoodii. Haddaba taas baa igu dhalisay in aan xusuusiyo in Hadraawi aanu welgii cid wax weydiisan, baahina aanu arag, lacagtuna aanay u ahayn wuxu u nool yahay. Haddaba dhawr tusaale baan halkan ku soo gudbinayaa:

Markii 10kii April 1978kii laga soo daayey Xabsiga Qansax-Dheere ee Gobolka Bay oo uu ku xidhnaa illaa 1973kii ayaa habeenkii markii Xamar la keenay waxa baabuur u soo diray Madaxweynihii xabsiga u diray ee Maxamed Siyaad; wuxu ku yidhi Hadraawi waxaad ahayd waddani lagu khaldamay, haddana wixii dhacay waa dheceen oo lama soo celin karo ee hadda maxaan kuu qabtaa; wax Alla waxa aad doonayso sheego; Bal waxa aad sawirataa iyada oo Madaxweyne aad u awood badan oo wax-walba gacanta ku hayaa ku yidhaahdo wax Alla waxa aad doonayso sheego; xil, xoolo, xurmo, guryo, darajo, lacag!
Hadraawi wuxu ku jawaabay hadal taariikhda galay oo ah; wax kale kaagama baahni ee 2 maamood oo keli ah waxad i amaanaysiisaa baabuur iyo darawal. Intaas uun baan maanta kaaga baahanahay.
Maxaad ku fali baabuurka iyo darawalka ayuu Hadraawi weydiiyey Maxamed Siyaad. Qansax-Dheere baan ku tegeyaa, aniga oo aan soo macasalaamayn dadkii aanu muddada badan wada noolayn baa degdeg la’ iiga soo kexeeyey, waxan rabaa in aan reer Qansax-Dheere soo macasalaameeyo una soo mahadceliyo. Sidii baa lagu siiyey baabuur iyo darawal uu ku soo celiyey laba maalmood.
Mar uu arrintaas lafteeda ka hadlayey waa kii lahaa:
Tolo Darajo lay yidhi
Deni noqona lay yidhi
Diiday baanse ka xigsaday
Nafta haw Daraanoo
Ha istaagin Daaftee
Dusha soo kor lay yidhi
Dibad baanse ka xigsaday
Waxad Adigu Doontiyo
Dantaa sheego lay yidhi
Danyar baanse ka xigsaday

Dhacdada labaad waxa ay ka dhacday London; Nin kamid ah taageerayaasha faraha badan ee Abwaan Hadraawi baa ka yimid Kuwait. Ninkaasi waa markii koowaad ee uu la kulmayo abwaanka oo ahaa halbeeggiisii nolosha, markaa wuxu Kuwait uga soo qaaday hadyaddii ugu qaalisanayd, waa saacad Rolex ah oo dahab lagu dheehay. Runtii hadda Qiimahadeedii ma garanayo laakiin Saacadaha noocaas ahi aad bay qaali u yihiin 20,000 illaa 100,000 oo Dollar bay gaadhaan. Ninkii oo aad u faraxsan baa hadyaddii guddoonsiiyey Hadraawi oo jooga gurigiisii London. Markii uu furay ee uu arkay in ay tahay Rolex Dahab lagu dheehay ayuu u mahadceliyey ninkii u keenay, waxaanu isu dhaafiyey oo guddoonsiiyey saacaddii ninkii la fadhiyey. Nin meesha joogay wuxu ii sheegay ninkii hadyadda keenay wuxu igu yidhi Walahi marbaan is idhi ninkii uu siiyey bannaanka ma isu taagtaa oo ma ka qaaddaa.
(Qofka Maanta sidaas Hadraawi samayn lahaa waakee)

Qisada Saddeexaad
Hadraawi wuxu Yurub gaadhay sanadkii 1990 gaar ahaan Norway 🇳🇴, illaa haddana wuxu tegeyey dal kasta oo deganaansho laga qaato, sanado dhawr ah wuxu ku noolaa Ingiriiska oo marba Fiisaha dalku-galka loo cusboonaysiinayey, Maraykan, Canada, Yurubtan Galbeed, Scandinavian ka meel walba wuu tegey, wuxu dhaar ku maray in aanu qaxoonti magan-gelyo doon ah marna noqon oo been sheegin oo odhan dalkaygii kuma noqon karo ee meel i dejiya! Sifahani waa ka lagu yaqaano dadka dalkooda iyo dadkooda jecel ee la yidhaahdo (true patriots) ka. Mar uu arrintaas ka hadlayeyna waa kii lahaa;
Paris adoon-tegin
Ama Bonn ka sheekeyn
Barashada dhulkaagaa
Horta laga Bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa
Dhulku baaxad sooriyo,
Banan miidhan weeyaan,
Ama waa Bus iyo Oon,
ninka Buug ku haystow,
Beentaada weeyaan,
Balcad, Jowhar, Shalaanbood,
Barakada Qoryooley,
Waxa canab bislaadee,
Baydhabo u gaartahay,
Boosaaso iyo Beer,
Bixin-duule Laaleys,
Beeraha Wajaalee
lagu reebo Baahida,
Indhihii Basaasow
Boorama ma’Aragteen

Dhacdada Afraad
Hadraawi ayaa guursaday 1998, arooskiisu Burco ayuu ka dhacay, kharash badanina wuu ku baxay, waxa lagu sheegaa arooskaas aroos-dhaqameedkii ugu ballaadhnaa ee la xasuusto, wuxu ahaa aroos illaa hadda laga Sheekeeyo; Madaxweynihii xiligaas ee Somaliland, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ayaa dareemay in Hadraawi mudan yahay in laga caawiyo kharashka arooska. $20,000 oo Dollar oo xiligaas joogay ayuu ugu soo dhiibay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xiligaas ahaa Wasiirkiisii Maaliyadda. Siilaanyo ayaa soo qaaday lacagtii oo Burco ugu keenay Abwaan Hadraawi una sheegay in ay tahay sooryo katimi Madaxweyne Cigaal. Markii waagii beryey buu lacagtii oo aanu furfurin Hadraawi qaaday oo badhna maamulka Cusbataalka Burco siiyey qaybtii kalena beelaha la’ hayb sooco oo uu aad ugu doodo u qaybiyey. Siilaanyo wuu yaqaanay dabeecadda Hadraawi oo lamuu yaabin ee wasiiro la socday baa ka xanaaqay oo weydiiyey sababta, wuxu ku yidhi hadal cajiib ah oo ahaa: Waa xoolahoodii, iyagaana igaga xaq leh.
Mar la weydiiyey damaciisa shakhsiga ah ee xilka iyo xoolaha waa kii lahaa;
Kursi doonistiisa iyo Duunyo jacaylku dhibta uu leeyahay, qolada raadisa dhibta haysata dushooda ka eeg.
Derejooy Wid Lagu Yidhi
Wid widaanwid lagu Yidhi
Wallahaana kugu raran
Hantiyayna Kuma Waco
Waligayna Kuma Sugo.
Woohowna Kuma Dhaho.
Wed Haddaanad Celinayn.
Nin Ku sheegtay Waarayn
Maxaan Kuu Warsanayaa.

Zuhdiga ama saahidaada noocan ahi waa dabeecadihii ay qarnigan ku caan-bexeen,
Mahatma Gandhi gii India
Vaclav Havel kii Czechoslovakia (Czech)
Nelson Mandela hii South Africa
laakiin iyaga dhacdooyinkoodii waa la xusay oo la’ weyneeyey oo la’ baahiyey halka kuwa Hadraawi maanta kahor aanad maqal.

Hadraawi hadda wuu fiican yahay, mana aha’ dadka balwadaha leh, 5ta salaadoodna badankooda Jamaca buu ku tukadaa, inbadana Jaamacadda Burco ayuu odaayeeshaada kamid ahaa, Xanuunka hadda hayaana waa Maskax-daal (dementia) ee maaha xanuun jidheed, gaajo iyo silicna Ilaahay waa ka ilaaliyey, hantida keli ah ee uu Hadraawi dhaqdayna waxa ay ahayd dadkiisa, tusaale ahaan Hadraawi wuxu saaxiib aad u dhow la yahay: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiir Yuusuf Garaad, qoraa Radhiid Gadhweyne, Ganacsade Abdirashid Dahabshiil, Qoraa Maxamed Daahir Afrax iyo haldoor Soomaali ah oo aad iyo aad u fara-badan.

Sawirada:
Sawirka koowaad waxa xuquuqdiisa leh Mary Harper oo ka tirsan BBC oo sii deysay barnaamij ay u bixisay Hadraawi: Shakisbiirkii Soomaalida (Shakespeare waa abwaankii ugu qanisanaa luqadda English ka)
Sawirka labaadna waa poster(jaantus) ku yaalla ama lagu dadbay hoolka diyaaradaha lagu sugo ee Madaarka Muqdisho (Adan Abdulle Airport) waana maansadiisii Hablaha Geeska Afrika.

WQ: Cismaan Abokor Dubbe