Al-shabaab & Dowladda oo Canshuuro isu dhigma ka qaada Ganacsatada Qudaarta kasoo Daabusha SH. Hoose

0
DIGITAL CAMERA

Sida ay sheegayaan qaar ka mid ah Ganacsatada Qudaarta kasoo daabusha Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa jira in Canshuuro isu dhigma ay Shabaab iyo dowladdu ka qaadaan, kuwaas oo sababa mararka qaar in aysan ganacsigooda ka helin wax faa’iido ah.

Ganacsatada ayaa sheegaya in qaarkood ayba Qarashka iyo Dakhliga marka la isu fiiriyo ay iyagu Khasaare la kulmaan.

Ganacsatada ayaa sheegaya in marka ay qudaarta soo iibsadaan ay min Hal Milyan oo Shilin Soomaali ah ku Canshuuraan Fariisimaha waaweyn ee Ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa jira goobo Isbaarooyin ah oo qidmado intaas ka yar looga qaato, taasi waxay keentaa in ay Ganacsatadu qaarkood joojiyaan soo qaadashada Ganacsigooda.

Dowladda Federalka ah iyo maamulka Koofur Galbeed ayey ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan Isbaarooyinka Sababi kara in ay Ganacsiga joojiyaan ee Al-shabaab iyo dowladdaba u yaalla Gobolka Shabeellaha hoose.