Al-Shabaab iyo Dowladdda oo ku dagaalamay Baledwayne

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay fiidkii ka dhacay xaafada ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii rag ka tirsan xoogaga ururka Al-shabaab oo tiro ahaan lagu qiyaasay Sagaal nin ay wadada u galeen ciidan xero ka soo baxay kuna wajahnaa xero kale, halkaasi waxaa labada dhinac ku dhexmaray iska hor imaad daqiiqado badan socday.

Taliyaha Ciidanka xoogga Guutada 5-aad  u sheegay warbaahinta in ay ku dileen nin Shabaab ka tirsanaa dagaalkaasi, laba kalnena ay ka dhaawaceen, dhankooda ayuu sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray Hal askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in Sagaal nin oo shabaab ah iney  wadada u galeen ciidan xero isku bedalayay, waxaa dhexmaray iska hor imaad, waxaan ka dilnay Hal Argagixisada ka tirsanaa, sida uu hadalka u dhigay laba kanena waan ka dhaawacnay oo waa ay jiiteen, dhankeena Hal askari ayaa nooga dhaawacmay dagaalkan.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka xoogga Guutada 5-aad.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka dowladda ay bilaabeen hawlgal ay ku raadinayaan raggii xalay weerarka soo qaaday, waxayna u jiheysteen dhanka ay ka yimaadeen xoogaga Shabaab.