Al-shabaab oo 5 Qof ku Toogtay Fagaare ku Yaalla Shabeellaha hoose

0

Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla Kuntuwaarey waxay ku toogteen 5 qof oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Basaasiin la shaqeynayay Ciidamada dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed ee Shabeellaha Hoose.

Shabaab ayaa goob Fagaare ah isugu geeyay dadka degmada iyagoo Gelinkii dambe ku Toogtay halkaas 5 qof oo dhallinyaro u Badnaa.

Magacyada 5-ta qof ee ay Toogteen iyo Waxyaabaha ay ku eedeeyeen:-

1-Cabdi Qaadir Cumar Xasan oo da’diisu aheyd 23 jir, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay maamulka Degmada Qoryooley.

2-Cabdi Qaadir Shukri Xasan oo da’diisa aheyd 30, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Dowladda.

3-Muxamed Abshir Cali oo 35 jir ah, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay ciidamada Itoobiya.

4-Cali Axmed Sheekh Cali oo da’diisu aheyd 30 waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Dowladda.

5-Cali Yuusuf Axmed oo loo yaqaano Jacfar Dheere oo Da’diisu aheyd 36 Jir  wuxuu la shaqeynayay Dowladda Kenya.