Al-shabaab oo dadkii ugu Badnaa ku xirxiray Awdheegle

0

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose, Al-shabaab ayaa halkaas ku xir-xiray dad ka badan 100 qof,

Dadka la xir-xiray waxaa ka mid ah Carruur iyo Waayeello, kuwaas oo loo heysto in ay Shalay ciidamada dowladdu kula hadleen Gudaha Degmadaas, markii ay halkaas Gaareen.

Waxay Shabaabku dadkaas isugu keeneen Fagaare weyn oo ku yaalla Awdheegle, iyagoo dadka ay xir-xireen ku tilmaamay shacab Laba Wejiileyaal ah, kuwaas oo marba qofkii jooga taageeraya.

Ciidamada dowladda ee shalay Gaaray Awgdheegle ayaa la sheegayaa in dadka deegaanka qaarkood ay siiyeen Taleefanada Gacanta iyo Sim-card-yadii lagu Isticmaali lahaa, taasoo ay shabaab u arkaan in ay tahay mid iyaga lagu Basaasayo.

Lama Oga Waxa ay ciqaab uga dhigi doonaan Al-shabaab dadka rayidka ah ee ay ku xir-xireen Awdheegle.