Al-Shabaab oo deegaan Taariikhi ah kala wareegay Ciidanka Kenya

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay iney si buuxda ula wareegeen deegaanka Tarako eek a tirsan Gobolka Gedo ka dib markii gelinkii danbe ee shalay ay isaga baxeen Ciidanka Kenya.

Shabaabka waxay sheegeen in hada degaanka ay si buuxda ula wareegeen oo ay maamulayaan, ayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano, la xiriira saldhigyadii ay deganaayeen Ciidamada Kenya.

Dadka deganaka ayaa sheegay inay arkeen Ciidamada Kenya oo wata gaadiidka gaashaaman iyo kuwa xamuulka in gabaldhicii shalay u dhaqaaqeen dhanka degmada Ceel-waaq, kadibna degaanka ay gudaha u soo galeen xoogaga Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo ku sugan gobolka Gedo ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in warkan uu jiro, balse hada aysan ka hadi karin, oo dib ay ka faah faahin doonaan.

Ciidamada Kenya ayaa waxa ay degaanka Tarako ee gobolka Gedo la wareegeen bartamihii sanaddii 2015-kii xilligaas oo Milliteriga Kenya ay duulaan ku ahaayeen degmada Baardheere.

Dhanka kale Ciidanka Kenya ayaa 20-kii bishan xilli aroornimo ah waxa ay isaga baxeen farsiisimhii ay ku lahaayeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib laba sano oo halkaasi ay ku sugnaayeen.