Al-shabaab oo ku sigtay in ay la wareegaan Saldhig AMISOM ku leedahay Shabeellaha hoose

0

Wararka ka imaanaya deegaanka No 60 ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in halkaas Saldhig ay ku leeyihiin ciidanka AMISOM ay Shabaab la wareegi gaareen, ka gadaal weerar ay halkaas ku qaadeen.

Al-shabaab ayaa weerarka qaaday Saqdii dhexe ee Xalay iyadoo dagaal qaatay ku dhowaad Saacad uu ciidamada AMISOM iyo Shabaab halkaas ku dhexmaray saldhigga weerarka lagu qaaday.

Lama Oga Khasaaraha ka dhashay, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay ku sigteen in ay ka baxaan Saldhiggaas.

Deegaanka uu Dagaalku ka dhacay ayaa Muqdisho u jira 60km, waxaana uu ka mid yahay goobaha ay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ku suganyihiin.

Al-shabaab ayaa dhowr mar oo hore weerarro ku qaaday Saldhigyo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha hoose, waxayna qabsadeen qeybo ka mid ah Saldhigyadaas oo ay ku dileen Tiro ciidanka dowladda iyo AMISOM isugu jira.