Al-shabaab oo laga dilay 10 Dagaalyahan &Saldhiggoodii ugu weynaa SH. Hoose oo la Burburiyay “Sawirro”

0

Ciidamada Kumaandooska Dowladda Soomaaliya ayaa weerar qorsheysan ku qaaday Fariisintii ugu weyneyd Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen 10 dagaalyahan, sidoo kalena Saldhiggaas ay ku burburiyeen.

Saraakiisha Ciidamada DANAB ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in howlgalkii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen deegaanka Leego ee Shabeellaha hoose ay ku burburiyeen bar Koontorool oo Shabaab ay Gaadiidka ku baari jireen.

Fariisintaas ayey sheegeen in ay aheyd mid dhibaato badan ay ku qabeen dadka ku safra waddada isku Xirta Afgooye iyo Wanlaweyn.

Ciidamada ayaa inta uu socday howlgalkooda waxay sheegeen in ay ku dileen 10 Dagaalyahan, Saldhiggaasna guud ahaanba ay baabi’iyeen.

Sawirro ay Ciidamada halkaas gaaray soo qaadeen ayaa Muujinaya Goob Burbur xooggan loo geystay oo markii horena ay Godad Dhufeysyo ah ka sameysnaayeen.