Al-shabaab oo laga saaray Wado Muhiim ah

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay hawlgal qorsheysan ka wadeen degmooyin hoostagga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raagge oo Ciidanka Howlgalka fuliyay hoggaaminaayey, ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay Muddo dheer kadib Shacabka Soomaaliyeed in laga dulqaaday kuwo dadka ku dhibi jiray inta u dhaxeysa Wadada Xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, ayna dhammaatay arrintaasi.

Gen. Odowaa oo la hadlay Idaacadda codka Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay qorshaha Taliska Ciidanka Xoogga dalka inuu yahay in Al-Shabaab laga xoreeyo dhammaan goobaha ay kaga dhuumanayaan dalka oo ay ku dhibaan dadka Shacabka ah.

Xoogaga Shabaab ayaa inta badan ku sugan dhulka xeebta ah ee wadada xiriirisa Marka iyo Muqdisho, illaa aagga Gendershe ee Gobolka Shabellaha hoose.