Al-shabaab oo looga Baqdin qabo in ay la wareegaan Ceelwaaq

0

Maamulka Degmada Ceelwaaq oo ka hadlayay Ammaanka Degmadaas ayaa sheegaya in xaaladda Ammaanka Degmadu ay tahay mid aan wanaagsaneyn.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha degmada Ibraahim Aadan in Degmadaas ay ka jirto Halis Muuqata oo ay ku hayaan Al-shabaab oo ay dhici karto in ay qabsadaan degmadaas.

Ciidamada Meletariga Dowladda ee ku sugnaa Degmada ayuu sheegay in ay halkaas ka baxeen, taasoo ay ka dhalan karto in Al-shabaab ay waqti walba si sahlan ku qabsan karaan halkaas.

Sida uu sheegay Guddoomiye Ibraahim, Al-shabaab ayaa waxay kusoo dhowaanayaan degmada, waxaana Ciidamadii oo ka baxay ay keentay in Shabaab ay sidaas sameeyaan, isla markaana hadda magaalada ma joogaan ciidamo ku filan in ay Ammaanka sugaan.