Al-shabaab oo Muqdisho ku dilay Nin ka tirsanaa Ergadii soo doortay…

0

Koox hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegayaa in ay xalay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dileen nin Oday ahaa oo ka mid ahaa Ergadii soo dhistay maamulka Hirshabelle.

Kooxda dilka u geystay Nabaddoonka ayaa waxay rasaas uga dhufteen qaarka sare ee Jirka, iyagoo sidoo kale inta aysan Laamaha Ammaanku goobtaas gaarin meesha isaga Baxsaday.

Ninkan la dilay ayaa ka mid ahaa Odayaashii soo dhisay Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ee tegay magaalada Jowhar, magaciisuna wuxuu ahaa Xasan Jaciir.

Howlgal daba socday dilkaas oo ciidanka DFS ay ka sameeyeen goobta lama sheegin dad ay kusoo qabteen.

War ay Al-shabaab ku qoreen baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayaa lagu sheegay in dilka ninkaas ay ka dambeeyaan Ururkan oo dagaal ba’an kula jiray Dowladda Somalia 10-kii Sano ee Tagtay.