Al-shabaab oo qabsaday deegaanka Diif

0

Al-shabaab ayaa ku dhawaaqday in ay la wareegeen Gacan ku heynta deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Deegaanka Diif oo dhaca dhanka Xadka Soomaaliya iyo Kenya ayey Al-shabaab warbaahinta Afkooda ku hadasha sheegtay in ay Dagaal kula wareegeen, isla markaana ay Caawa ku hoyanayaan halkaas.

Ma jiraan ilo madax Bannaan oo xaqiijiyay Hadalka Al-shabaab, Balse maamulka Jubbaland dhankooda wax war ah kama aysan soo saarin Sheegashada Al-shabaab ee ah in ay qabsadeen deegaanka Diif.

Al-shabaab ayaa cudud xooggan ku leh deegaannada Jubbaland, waxayna maamulaan guud ahaanba Gobolka Jubbada dhexe iyo Qeybo ka mid ah Gedo iyo Jubbada Hoose.