Al-Shabaab oo qoorta ka goysay Wiil iyo Gabar+ Sababta

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa dil ku fulisay laba ruux oo u dhalatay dalka Kenya oo ay ku eedeeysay inay basaasiin ahaayeen sirdoonka Somalia iyo Kenya.

Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa shaaciyay in maleeshiyada Al-Shabaab oo isticmaalaya Seef ay dil magaalada Fino ee gobolka Shabeellaha Hoose, kula fuliyeen Shukri Cali oo ahayd 22 sano jir kana soo jeeda magaalada Gaarisa iyo Faarax Godane oo kasoo jeeda magaalada Lamu.

Al-Shabaab ayaa inta badan dadka ay eedeeyan ku dila rasaas, qoor goyn iyo dhagax.

Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale dadka deegaanka ku qasbay inay kasoo qeyb galaan dilka isla markaana ay daawadaan dilalka foosha xun si qof walba uu u cabsado isla markaana u sameynin waxyaabo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ilo kale ayaa xaqiijiyay in habeenkii kale, 5 ruux oo Kenyan ah iyo laba ruux oo u dhalatay dalka Tanzania oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish lagu jir dilay xerada.

Ilaha ayaa intaa ku daray in kooxda la jir dilay lagu helay iyagoo Internetka ka aqrinaya qoraalada kooxda Daacish taasoo keentay in taliyaha xerada uu xubnahaas la xiriiriyo kooxda Daacish/ ISIS.

Hogaamiyaha xanuunsan ee Al-Shabaab Abuu Cubeydah ayaa 20-kii bishii May soo duubay fariin cod ahayd oo uu ku xaqiijinayo sida kooxda Al-Shabaab ay daacad ugu tahay Al-Qaacida.