Al-shabaab oo sheegtay inay awood kula wareegeen degmada Waajid

0

Ururka al-shabaab oo dagaal kula jira dowlada Soomaaliya iyo dhinacyada taageera ayaa sheegtay inay dagaal kula wareegeen degmada Waajid ee gobolka Bakool.

 

 

Al shabaab waxay sheegeen in ay weerar ku qaadeen degmada Waajid uu dagaal culus ku dhex maray iyaga iyo waliba ciidamada dowlada Soomaliya , waxana ay shaaciyeen in ugu dambeyn ay si awood ah ula wareegen  Degmada Waajidoo ay shgeen inay haatan gacanta ku hayaan.

 

 

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Bakool wali kama aysan hadlin sheegashada Al-shabaab ee ah inay la wareegeen degmada Waaajid ee gobolka Bakool , mana jirto ilo ka madax banaan Al-shabaab oo xaqiijinaya inay Waajid awood dagaal kua wareegeen .

Xogdoonnews;

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com