Al-shabaab oo soo Bandhigtay Magacyada & Beelaha 4 Nin oo looga dilay Weerarkii Buula-Gaduud

0

Al-shabaab ayaa waxay soo bandhigeen markii ugu horreysay Khasaare dhankooda ku gaaray weerar ay ku qaadeen deegaanka Buula-Gaduud oo ku dhow Magaalada Kismaayo.

Waxay Al-shabaab weerarkaas sheegeen in ay ku dileen 30 ka tirsan Ciidamada maamulka Jubaland, sidoo kale waxay soo bandhigeen hub iyo gaadiid Dagaal oo ay kula wareegeen weerarka.

Maanta ayey sidoo kale soo bandhigeen Sawirrada koox 4 ka kooban oo looga dilay weerarkaas iyo Beelaha ay kasoo kala jeedeen, sidoo kale waxay sheegeen magacyada Nimanka dhintay iyo Goobaha ay Shabaab uga howlgeli jireen.

Sida badan loogama Baran Al-shabaab in ay soo bandhigaan khasaaraha lagu gaarsiiyo weerarrada ay qaadaan, balse tani waa mid ka duwan sidii hore oo haddii ay soo muujiyeen Khasaaraha ay geysteen waxay soo raaciyeen midka dhankooda loo geystay, hadduu doono haba ahaa midka xog qarsiga ee aan sida rasmiga ah loo sheegin dhibaatada kugu gaarta Dagaalka.

Afarta Nin ee ay soo bandhigeen Al-shabaab ayaa dhammaantood kasoo jeeda Gobollada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya uu ka Arrimiyo.

1) Cabdulqaadir Cali Ibraahim (Boqol Hore)

2) Maxamed Macalin Xasan (Hadamo)

3) Maxamed Nuur Aadan (Hariin)

4) Cabdulcasiis Cabdullaahi (Muctazim) Eelaay, gaar ahaan kuwa dago Buur, waana ninkii fuliyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa