Al-shabaab oo wadada u galay Ciidamo ka Tirsan Dowladda iyo Khasaare ka dhashay

0

Wararka Xogdoonnews ay ka heleyso Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo ay wateyn Ciidamada Xooga oo maraayey duleedka Degmadaasi in lala eegtay qarax miino.

Gaari nuuciisu uu yahay Cabdi Bille ayaa markii hore lala eegtay qaraxa miinada ah iyadoo uu xigay weerar toos ah oo lagu soo qaaday ciidamada ka badbaaday miinadaasi waxaana la sheegayaa in weerarkaasi uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale gaari yar oo nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen ciidamo Militari ah ayaa la sheegay miino inay ku qaraxday, ciidamada Militariga ayaa khasaare xooggan uu soo gaaray, waxaana wararka ay tilmaamayaan in ka badan 7 askari dagaalkaasi & qaraxyada Miinada in ciidamada looga dilay.

Dagaalyahanada shabaab ayaa sidaan oo kale Ciidamada Dowladda u gala wadooyinka gobolka Shabeelaha dhexe.